Kahor Kulanka Weyn Ee Manchester United, Tababare Thomas Tuchel Oo Ka Warramay Xaalada Dhaawacii Edinson Cavani, Miyuu Safan Karaa Kulanka Old Trafford?

Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain ee Thomas Tuchel ayaa ka hadlay dhaawaca soo gaadhay xiddiga kooxdiisa ee Edinson Cavani kahor kulanka muhiimka ah ee ay badhtamaha toddobaadkan booqan doonaan kooxda Manchester United.

Cavani ayaa dhaawac kala baxay kulankii ay xalay guusha 1-0 ah ka gaadheen kooxda Bordeaux kaddib markii uu dhaliyay goolka kaliya ee kulankaas lagu kala baxay oo gool kulaad ahaa.

Kaddib dhaawaca soo gaadhay Cavani ayaa aaday dhinaca tababarahiisa Tuchel isaga oo markii hore kusoo laabtay kulanka si uu usii wato balse waxa uu kulanka gabi ahaanba kusoo laaban waayay qaybtii dambe.

Haddaba, Tababare Tuchel ayaa sheegay inuusan hayn wax war ah oo fiican taasina ay wer wer ku tahay jamaahiirta kooxdiisa isaga oo dhinaca kale sheegay inay ka war sugi doonaan wararka kasoo baxa.

SIDOO KALE AKHRISO:  Kiiskii Budhcadnimada Ahaa Ee Lagu Soo Qaaday Mesut Ozil & Sead Kolasinac Iyo Amaan Daro Kale Oo Liiska Gunners Labadan Xidig Looga Saaray.

Tuchel ayaa yidhi “Maya, Ma hayo war wanaagsan, Waa inaan sugaa, Anigu ma garanayo (Haddii uu taam noqon doono), Haa waa mid wer wer leh, Maaha calaamad wanaagsan”

Dhinaca kale Tuchel ayaa u muuqday mid haatanba afeef hore sii dhiganaya isaga oo sheegay in ay sidii caadiga ahayd kooxdiisa kaga duwanaan doonto kulanka Man United maadaama oo aysan ciyaartoyda muhiimka ahi halkaas joogi doonin.

“Haddii ciyaartoyda furaha kuu ahi aysan halkaas joogin waa mid ka duwan, Ma haysano Edi kale, Ma haysano Neymar kale”

Ugu dambayn, PSG ayaa Salaasada booqan doonta Man United oo kulamadii ugu dambeeyay u muuqata mid sidii hore ka xoogan waxaana laga warsugi doonaa qaabka uu tababare Thomas Tuchel u xaliyo dhaawacyada kooxdiisa.