Kahor Kulanka Weyn Ee Champions League, Goolhaye Alisson Oo Cabiray Dareenkiisa Ah Inuu Wajahayo Manuel Neuer & Haddii Ay Tabi Doonaan Maqnaanshaha Van Dijk.

Goolhayaha kooxda Liverpool ee Alisson Becker ayaa aragtidiisa ka dhiibtay haddii ay kulanka toddobaadkan ee Bayern Munich tabi doonaan daafaca kooxdooda ugu muhiimsan ee Virgil Van Dijk oo ganaax ku maqnaan doona.

Van Dijk ayaa kulankaas ku maqnaan doona sababta laba kaadh jaale oo ganaax ahaan hal kulan ah waxaana ay taasi madax xanuun xulashada daafaca ah galin doontaa tababare Jurgen Klopp.

Da’yarka Joe Gomez ayaa dhaawac kusii maqnaanaya xilli uu sidoo kale tababare Klopp shaaca ka qaaday in Dejan Lovern uusan taam buuxa u noqon karin kulankaas sidaa darteed Fabinho ayaa la filayaa inuu daafaca dhexe kula lamaanoobo Fabinho.

Haddaba, Goolhaye Alisson ayaa shaaca ka qaaday inaysan u xiisi doonin Van Dijk maadaama oo daafacyada kooxdu ay dhammaantood is fahmeen oo ay soo wada ciyaarayeen inta xilli ciyaareedkani socday.

Goolhayaha ree Brazil ayaa yidhi “Dhammaan daafacyadu way wada ciyaareen sidaa darteed marka midi soo galo ee midi baxo ma dareemi doono khasaaraha sababtoo ah dhammaan midkeenba midka kale wuu la ciyaaray”

“In safka dambe uu dhammaan awoodo inuu is gaadhsiiyo kubadda oo uu midba midka kale si fiican u garanayo waxa ay muhiim u tahay koox kasta, Marka aad dilaaciso waad helaysaa (Guusha), Waananu aragnay kalsoonida”

Dhinaca kale, Goolhaye Alisson ayaa farxad weyn ka muujiyay inuu wajahayo goolhaye Manuel Neuer oo ah mid kamid ah kuwa dunida kubadda cagta ugu fiican ee booskiisa ah ee dhawaanahan garoomada lagu arkay.

“Neuer tixraac weyn ayuu ii yahay aniga, Markii aanu iyaga ku aadnay isku beeg-beega waan ku farxay inaan ogaado inaan isaga kahor tago”