Kahor Kulanka Muhiimka Ah Ee Atletico Madrid, Xiddiga Wali Fursada Buuxda Ka La’ Barcelona Ee Arturo Vidal Oo Ka Hadlay Hammigiisa Kulamada Soo Socda.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona iyo xulka Chile ee Arturo Vidal oo aan tan iyo markii uu Barca yimid aan wali helin fursad buuxda ayaa ka hadlay hammigiisa kulamada soo socda iyo waxa uu doonayo.

Barcelona ayaa toddobaadka soo socda booqan doonta kooxda uu xifaaltanka ba’ani ku dhex marayo tartanka La Liga ee Atletico Madrid oo ay ku martiyayaan Wanda Metropolitano.

Vidal ayaa soo ciyaaray kulamadii saaxiibtinimo ee xulkiisa Chile waxaana uu sheegay inuu dareemayo taam ahaansho 100% ah isla markaana uu doonayo inuu kusoo bilawdo kulamada soo socda.

“Waxaan ku laabanayaa Barcelona si aan u qabto waxyaabaha saxda ah, Inaan u dagaalamo boos oo aan matalo Chile, Waxaan dareemayaa inaan aad u fiicanahay, Haatan waxaan ahay mid 100% ah”

“Kulamadii ugu dambeeyay waxaan ciyaaray inbadan, Waxaan dhaliyay goolal sidaa darteed waxaan dareemayaa kalsooni, Goolashan aan u dhaliyay Chile waxay i caawiyeen inbadan sidoo kale, Waxaan rajaynayaa inaan kusoo bilawdo laakiin taasi waxay qusaysaa tababaraha”

Vidal ayaa kalsooni weyn kusoo helay kulamadii caalamiga ahaa isaga oo laba gool kasoo dhaliyay xulka Honduras waana arrin kalsooni buuxda siin karta sida uu isagu xusay.

Kusoo bilaabashada xiddigan ee kulanka Metropolitano ayaa la filayaa inay suurogasho kaddib maqnaanshaha xiddiga ree Croatia ee Ivan Rakitic.