Kahor Kulanka Kooxaha Chelsea Iyo Manchester City, Tababaraha Ree Spain Ee Pep Guardiola Oo Amaan Xoogan Kaga Timid Dhigiisa Antonio Conte.

Macalinka ree Talyaani ee kooxda Chelsea Antonio Conte ayaa wuxuu si xoogan u amaanay dhigiisa ree Spain ee kooxda Man City Pep Guardiola kahor kulanka ay caawa kuwada ciyaari doonaan garoonka Stamford Bridge, wuxuuna ku tilmaamay inuu yahay macalinka ugu wanagsan dinida xiligan la joogo.

Antonio Conte oo xili ciyaareedkii lasoo dhaafay kula guuleystay kooxda Blues horyaalka Premier League-ga, ayaa wuxuu markan karsan kari waayay in Pep Guardiola uu isaga ka wanaagsan yahay, sidoo kalena uu xitaa ka fiican yahay macalimiinta kale, sababtoo ah wuxuu mar walba isha ku hayaa inuu xakameeyo ciyaarta islamarkaana uu goolal u dhaliyo si wacan.

Hadaba Antonio Conte ayaa kahor shirkiisa jaraa’id ee ka horeeya kulanka caawa ka dhici doono Stamford Bridge wuxuu kaga dhawaajiyay: “hadii aan u hadlo si daacadnimo ku jirta, ixtiraam weyn ayaan u hayaa Guardiola, waxaana qabaa inuu yahay tababaraha ugu fiican, waxaan xili kasta jeclahay inaad daawado kulamada ay ciyaarayaan xidigaha uu tababaraha u yahay”.

Conte ayaa hadalkiisa intaa sii raaciyay: “Dhamaantayada waan war qabnaa in kooxda uu hogaaminayo Guardiola ay jeceshahay xakameynta garoonka kulamada ay ciyaareyso, waa kuwa jecel kubad heysashada inta ay doonaan, abuurista fursado badan ee u suuragalin kara inay dhaliyaan goolal, xili City sidoo kale ay xaaladeeda kasoo hagaageyso xili ciyaareedkan sidii hore, marka loo fiiriyo xili ciyaareedkii lasoo dhaafay”.

si kastaba labacan macalin ayaa caawa geesaha isku dari doona kulan ka tirsan kulamada 7aad ee horyaalka horyaalka Premier League-ga, xili Man City ay marti ku noqon doonto garoonka Stamford Bridge, xili ay kulankan City uu dhaawac kaga maqanaan doono dhaliyahooda halisata ah ee Sergio Agüero.