Kahor Kulanka Axada Ee Manchester Derby, Mid Kamid Ah Xiddigaha Man United Oo Si Cad Saxaafada Uga Hor Sheegay In Man City Ay Tahay Kooxda Ugu Cad Cad Ee Guul Gaadhi Karta.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Manchester United ee Ander Herrera ayaa kahor kulanka ay toddobaadkan booqan doonaan kooxda ay magaalo wadaagta yihiin ee Manchester City si cad u sheegay in kooxda Etihad ay tahay kooxda ugu cad cad ee guul gaadhi karta kulankaas.

Man United ayaa dhawaan guul weyn oo soo laabasho ah kasoo gaadhay kooxda Juventus oo ay Allianz Stadium ku booqdeen sidoo kale waxa xusid mudan in Red Devils ay ahaayeen kooxdii dunida ka yaabsatay bishii April kaddib guul soo laabasho ah oo ay ku mamnuuceen xafladii dabaaldega ee City ee Premier League.

Herrara ayaa ugu horreyna diiday inuu isbar-bardhigo kulankan iyo kulankii ay guusha ka gaadheen Man City ee bishii April isaga oo dhinaca kale qirtay in Sky Blues ay yihiin kuwa ugu cad cad ee guulaysan kara kulankaas maadaama oo ay qaab ciyaareed fiican ku jiraan.

Xiddiga ree Spain ayaa yidhi “Ma jecli inaan isbar-bardhigo xaaladaha, Kani waa kulan cusub iyo xaalad cusub waxaan ku rajo weynahay inaan guulaysan karno”

“Waa dhab inay yihiin kuwa ugu cad cad sababtoo ah waxay ku jiraan qaab ciyaareed aan la rumaysan karin laakiin tani waa Manchester United waligaana ma ogaan kartid waxa dhacaya”

“Marka aad u ciyaarayso Manchester United kooxda ugu weyn UK iyo mid kamid ah kooxaha ugu waaweyn dunida waa inaad sidaa samaysaa (Guuleysataa), Waxaan halkan joogay shan sano markii uu Van Gaal joogay maalinkasta jaraa’idku anagu naga hadlaya”

“Markii uu Mourinho yimid sidoo kale, Waxaanan ku guuleysanay koobab, Maalin uun haddii tababare kale yimaado way ka hadli doonaan sidaa darteed waa wax aan la qabsanay”