Kadib Xasuuqii Ay Barcelona U Gaysatay Napoli, Ernesto Valverde Oo Hadlay Xaalada Lionel Messi Iyo Gool Dhalintii Griezmann.

Barcelona ayaa xalay guul wayn ka soo gaadhay kooxda Napoli oo ay markii labaad ku kulmeen dalka Maraykanka waxayna kooxda Ernesto Valverde awooday in ay 4-0 ku xaaqday kooxda Serie A ka dhisan ee Napoli oo guuldaradii labaad oo xidhiidh ah Barca kala kulantay.

Luis Suarez ayaa kulanan laba gool ka dhaliyay halka xidigaha reer France ee Ousmane Dembele iyo Antoine Griezmann oo min hal gool kulankan ka dhaliyay. Bandhigii ay kooxda Barca samaysay waxa uu muujiyay in ay diyaar u yihiin bilawga xili ciyaareedka cusub ee La Liga.

Laakiin Lionel Messi oo seegay gabi ahaanba diyaar garowga kooxdiisa Barcelona ee xili ciyaareedka cusub ayaa la filayaa in uu seegi doono kulanka jimcaha ee Athletic Bilbao kaas oo ay Barca ugu bilaaban doonto difaacashada koobka horyaalka La Liga.

SIDOO KALE AKHRISO:  Heshiisyadii La Dhamaystiray Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ee Ay Caawa Qoreen Wargaysyada Yurub.

Tababare Ernesto Valverde ayaa kadib guushii Napoli waxay warbaahintu wax ka waydiisay xaalada Lionel Messi iyo haddii uu taam u noqon karo kulanka adag ee ay San Mames ku booqan doonaan kooxda Athletic Bilbao.

Ernesto Valverde ayaa cadeeyay in ay aad u adag tahay in Lionel Messi uu diyaar u noqon karo kulanka furitaanka La Liga ee kooxda Athletic Bilbao waxayna hadda si cad ugu muuqataa in saddexda xidig ee afarta gool ka dhaliyay kulankii Napoli ee Suarez, Griezmann iyo Dembele ay shaxda Valverde ku soo bilaaban doonaan.

Ugu horayn Ernesto Valverde oo xaalada Messi ka war bixinaya ayaa yidhi: “Isagu waxa uu ku jiraa hanaanka soo kabsasho, anigu ma ogi haddiiuu diyaar u noqon doono bilawga La Liga. Waxay u muuataa in ay adag tahay”.

SIDOO KALE AKHRISO:  Wariye Shaaciyay In Zinedine Zidane Uu Qarka U Saaran Yahay Inuu Iska Casilo Shaqada Tababare Ee Real Madtrid & Sababta Ka Danbeysa

Hadalka Valverde ayaa si cad u muujinaya in aanu Messi diyaar u noqon karin kulanka Athletic Bilbao waxaana jira laba sababood. Ugu horayn waxa uu Messi ka maqnaa kulamadii saaxiibtinimo ee diyaar garowga xili ciyaareedka cusub.

Mar labaadka waxa uu Messi hadda ku jiraa hanaanka uu kaga soo kabsanayo dhaawicii tababarka ku soo gaadhay ee ka hor kulankii Arsenal, waxayna labadan sababood keenayaan in aan wax halis ah la galin doonin bilawga xili ciyaareedka cusub.

Dhinaca kale Valverde ayaa si toos ah wax looga waydiiyay goolkii uu Antoine Griezmann ka dhaliyay kulankii Napoli wuxuuna yidhi: “Gool dhaliyaasha waxaa markastaba xoojiya fursada ay goolal ku helaan, iyaga way u fiican tahay in ay xidhiidh fiican ku yeesheen gool dhalinta”.

SIDOO KALE AKHRISO:  SABABTAN Ayay PSG U Aqbali Kartaa In Neymar U Wareego Juventus!! -Juve Oo Noqotay Kooxda Fursada Ugu Badan U Haysata Saxeexa Neymar & Waxa Caawinaya.

Laakiin Valverde ayaa sheegay in Griezmann uu fursado cadaan ah helay xili hore si uu goolal u dhaliyo wuxuuna yidhi: “Isagu waxa uu sidoo kale xili hore helay fursado gool dhalineed”.

“Waxaan ku faraxsanahay in dhamaan weerar yahanadu ay goolal dhaliyeen oo uu isagu ku jiro, wax walba way ka saraysaa sababtoo ah, anaga wax badan ayuu dhaq dhaqaaqiisu nagu siinayaa weerarka. Wanaag ayay u muuqataa sida uu u ciyarayaa”.ayuu Valverde hadalkiisa sii raaciyay.