Kadib Shaxdii Kooxda Sanadka Ee Premier League, Khabiirada Wargayska Daily Mail Oo Mid Kastaaba Soo Xulay Shaxdiisa Kooxda Sanadka Ee Premier league Ugu Fiican.

Maanta ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay shaxda kooxda sanadka ee Premier league ugu fiican waxaana ka dhashay muran badan iyada oo dood wayn laga keenay sababta ayna Eden Hazard iyo goolhaye Alisson Becker shaxdan ugu soo bixin isla markaana uu Pual Pogba uga soo muuqday.

Laakiin shaxda kooxda sanadka ee Premier league ugu fiican ma aha mid uu shaqsi magacaabay ama ay masuuliyiin gaar ahi magacaabeen balse waa codkii ciyaartoyda horyaalka Premier league oo dhan oo mid kastaaba uu shaxdiisa soo doortay taas oo ugu danbayn boos kasta ciyaartoydii ugu codka badnayd loo soo doortay.

Laakiin waxay taasi noqotay mid aan jamaahiirta Premier league wada qancin waana arin markasta oo shax la soo saaro soo taagnayd oo aan wax cusub ahayn. Haddaba khabiirada wargayska Daily Mail ayaa markooda isku dayay in ay soo xushay shaxda kooxda sanadka ee xili ciyaareedkan ugu fiican.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo koobay dhamaan shixihii ay wariyaasha Daily Mail soo doorteen ee ay u tixgaliyeen in ay yihiin shaxaha kooxda ugu fiican xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier league halkan ayaanad kaga bogan kartaa.

LAURIE WHITWELL

Kooxda Sanadka PL: 4-3-3: Ederson; Doherty, Van Dijk, Laporte, Robertson; Son, Bernardo Silva, Hazard; Mane, Aguero, Sterling

ADRIAN KAJUMBA

Kooxda Sanadka PL: 4-3-3: Ederson; Wan-Bissaka, Van Dijk, Laporte, Robertson; Fernandinho, Rice, Bernardo Silva; Sterling, Aguero, Mane

CHRIS WHEELER

Kooxda Sanadka PL: (4-3-2-1): Ederson; Wan-Bissaka, Van Dijk, Laporte, Robertson; B Silva, Fernandinho, Sterling; Hazard, Mane; Salah

CRAIG HOPE

Kooxda Sanadka PL: (4-2-3-1): Ederson; Alexander-Arnold, Van Dijk, Laporte, Robertson; Fernandinho, Bernardo Silva; Salah, Mane, Sterling; Aguero

ROB DRAPER

Kooxda Sanadka PL: 4-3-3: Alisson; Wan-Bissaka, Van Dijk, Laporte, Chilwell; Bernardo Silva, Sissoko, Eriksen; Sterling, Aguero, Son

MATT BARLOW

Kooxda Sanadka PL: 4-3-3: Ederson; Alexander-Arnold, Van Dijk, Laporte, Robertson; Bernardo, Fernandinho, Eriksen; Sterling, Aguero, Hazard

ADAM CRAFTON

Kooxda Sanadka PL: 4-3-3: Ederson; Alexander-Arnold, Van Dijk, Laporte, Robertson; Bernardo Silva, Fernandinho, Doucoure; Sterling, Aguero, Mane

Ciyaartoyda aan shaxda kooxda sanadka ee Premer league ku jirin balse halkan lagu soo doortay waxaa ka  mid ah Eden Hazard, Alisson Becker, Doucoure, Christian Eriksen, Mohamed Salah, Son, Wan-Bissaka,Chilwell iyo Rice.

Haddaba akhirste, haddii aanad ku qancin shaxdii kooxda sanadka ee premier league ugu fiicnayd ee la soo saaray, midkee ayaad khabiirada Daily Mail shaxdiisa ku raacsan tahay?.