Kadib Shaacintii Qiimaynta FIFA 20, Shaxda Ciyaartoyda Premier League Ugu Fiican Vs Shaxda Ciyaartoyda Horyaalada Kale-Midkee Guulaysan Lahaa?

Sidii aanu idiin soo gudbinay shirkada ciyaar gacmeeda FIFA soo saarta ee EA Sport ayaa si rasmi ah u shaacisay qiimaynta 100 ka xidig ee ugu sareeya FIFA 20 waxaana kadib laga soo dhex saaray shaxda kooxda Premier league ugu fiican.

Boos kasta ciyaartoyda Premier league ee ugu qiimaynta sareeya FIFA 20 ayaa shax laga sameeyay waxaana la barbar dhigay shaxda kooxda laga sameeyay ciyaartoyda aan Premier league ka ciyaarin ee iyaguna ugu fiican boosaskooda FIFA 20.

Haddaba shabakada Gool24 ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa labada shaxood ee laga sameeyay ciyaartoyda qiimaynta FIFA 20 ugu saraysa ee Premier league ka ciyaarta iyo kuwa kale ee horyaalada kale ka ciyaara.

Shaxda kooxda ciyaartoyda Premier league ka ciyaarta ee laga sameeyay qiimaynta FIFA 20 waxaa goolka ugu jira Alisson Becker oo ah goolhayaha ugu qiimaynta sareeya Premier League.

Kyle Walker, Virgil Van Dijk, Toby Alderweireld iyo Andy Robertson oo dhamaantood boosaskooda difaaca ugu qiimayn sareeya horyaalka Premier league ee FIFA 20 ayaa shaxdan ka soo wada muuqday.

Khadka dhexe ee shaxdan waxaa ku soo wada baxay N’Golo Kante, Christian Eriksen iyo Kevin de Bruyne oo noday saddexda xidig khadka dhexe ee ugu qiimaynta sareeya FIFA ee ciyaartoyda Premier league.

Weerarka shaxdan waxaa ku midaysan Raheem Sterling, Mohamed Salah iyo Sergio Aguero oo dhamaantood ka mid ah gool dhaliyaasha ugu qiimaynta sareeya FIFA 20 ee horyaalka Premier league.

Shaxda Ciyaartoyda Premier league Ugu Fiican Ee Lagu Saleeyay Qiimaynta EA Sport Ee FIFA 20 oo dhamaystiran:

Goolhaye – Alisson (89)
Difaaca Midig – Kyle Walker (84)
Difaaca Dhexe – Virgil van Dijk (90)
Difaaca Dhexe – Toby Alderweireld (87)
Difaaca Bidix – Andy Robertson (85)
Khadka dhexe – N’Golo Kane (89)
Khadka Dhexe – Christian Eriksen (88)
Khadka Dhexe- Kevin de Bruyne (91)
Weerarka Midig – Raheem Sterling (88)
Weeerarka Dhexe – Sergio Aguero (89)
Weerarka Bidix – Mohamed Salah (90)

Riix 2 aad si aad uga bogato shaxda laga sameeyay xidigaha horyaalada Kale ee Yurub.

1 Comment

Comments are closed.