Kadib Saddexleyadii Tiradda Badnaa Ee Kulamadii Labaad Ee Todobaadkan, Halkee Lakala Marayaa Gool Dhalinta UEFA Champions league.

Kadib kulamadii labaad ee heerka Groupyada UEFA Champions League, waxay u muuqataa in xili horeba uu xili ciyaareedkan bilawday tartanka gool dhalinta ee Champions league yada oo todobaadkan ay jireen dhawr xidig oo min saddexley goolal ah iskugu faanay.

Waxaa la soo ciyaaray min kulamadii labaad ee heerka Groupyada UEFA Champions League waxaana haddaba heer fiican maraya dhawr kooxoodo oo kaliya kuwaas oo soo wada guulaystay min labadii kulan ee ay soo ciyaareen waxaana ka mid ah Barcelona, Inter Milan iyo Borussia Dortmund.

Halka kooxaha Tottenham iyo PSV ay ka mid yihiin kooxaha ugu liita ee min labadii kulan ee UEFA Champions League soo guuldaraystay. Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa xidigaha ilaa hadda gool dhalinta ugu saraysa kaga jira Champions League.

Lionel Messi ayaa fariin kale u diray xidigaha ay gool dhalinta UEFA Champions League ku tartamayaan kadib markii uu laba gool ka dhaliyay kulankii Tottenham, wuxuuna Messi hogaanka gool dhalinta Champions League ku qabtay 5 gool inkasta oo laba kulan oo kaliya la ciyaaray.

Laakiin waxaa Lionel Messi cadaadiska soo saaraya Neymar Jr, Paulo Dybala iyo Edin Dzeko oo min saddexley goolal ah iskugu faanay kulamadii labaad ee heerka Groupyada Champions League ee todobaadkan la ciyaaray.

Haddaba halkan kaga bogo Xidigaha Ilaa Hadda Goolasha Ugu Badan Ka Soo Dhaliyay UCL:

1-Lionel Messi ⇒ Barcelona =5 gool

2-Neymar Jr ⇒ PSG= 3 gool

=Edin Dzeko ⇒ AS Roma = 3 gool

=Paulo Dybala ⇒ Juvrnyus = 3 gool

=Paul Pogba ⇒ Man United= 2 gool

=Kylian Mbappé ⇒ PSG = 2 gool

=Moraes ⇒Shakhtar Donetsk = 2 gool

=Antoine Griezmann ⇒Atletico Madrid = 2 gool

=Nikola Vlasic ⇒ SKA Moscow = 2 gool

=Miralem Pjanic ⇒Juventus = 2 gool

=Michal Krmencik ⇒ Viktoria Plzen = 2 gool

=Mauro Icardi ⇒ Inter Milan = 2 gool

=Viktor Klonaridis ⇒ AEK Athens = 2 gool

=Nicolás Tagliafico ⇒ Ajax = 2 gool