Kadib Markii Uu Real Madrid Ka Cidhibtiray UEFA Champions League, Saxiixa Cusub Ee Barcelona Ee Frenkie De Jong Oo Farxad Ka Muujiyay In Uu Cristiano Ronaldo Ku Wajahayo UCL.

Saxiixa cusub ee kooxda Barcelona ee Frenkie De Jong oo wali ka sii ciyaaraya kooxdii uu ku soo barbaaray ee Ajax ayaa farxad ka muujiyay in uu wajihi doono Cristiano Ronaldo marka ay kooxdiisa Ajax ka hor imanayso Juventus wuxuuna hore wacdaro uga soo dhigay kulankii Bernabeu ee ay Ajax tartanka Champions league kaga reebtay Real Madrid.

Frenkie De Jong oo 21 sano jir ah isla markaana loo arko xidigaha mustaqbalka kubbada cagta ugu fiican ku leh ayaa diyaar u ah in uu Cristiano Ronaldo iyo kooxdiisa Juventus ku wajaho UEFA Champions league wuxuuna qiray in markii uu ahaa 10-12 sano jirka in Ronaldo uu markaasba ahaa mid ka mid ah ciyaartoyda kubbada cagta ugu fiican.

Cristiano Ronaldo ayaa wacdaro ka soo dhigay kulankii lugtii labaad ee wareegii 16ka kooxood ee Champions league isaga oo saddexley goolal ah ka soo dhaliyay Atletico Madrid si uu kooxdiisa Juventus ugu soo saaro siddeed dhamaadka UEFA Champions league.

Frenkie De Jong oo ka hadlaya in kooxdiisa Ajax lagu aadiyay Juventus ayaa yidhi: “Juventus waa mid ka mid ah kooxaha ugu adag ee aad wajihi karto. Waxaan arkay kulankoodii Atletico Madrid, xaqiiqdiina si fiican ayay u ciyaareen”.

De Jong oo ka sii hadlaya Juventus iyo haddii ay kooxdiisa Ajax fursad heli doonto ayaa yidhi: “Iyagu aad ayay weerar u yihiin waxayna leeyihiin tayo badan. Waxaan filayaa in aanu furusad heli doono”.

Laakiin Frenkie De Jong ayaa sababta uu ugu faraxsan yahay ka hor imaatinka Cristiano Ronaldo waxa uu ku sababeeyay: “Markii aan ahaa 10 ama 12 sano jirka, Cristiano Ronaldo waxa uu markaasba ahaa mid ka mid ah ciyaartoyda aduunka ugu fiican. Taasi waa sababta ay u fiicnaan doonto in aan isaga hadda wajaho ee kulan dhab ah”.

Laakiin Frenkie De Jong ayaa tilmaamay in Juventus ay tahay kooxda ugu cad cad ee u soo gudbi karta wareega xidgta sidii ay Real Madrid u ahayd kooxda ugu cad cad balse ay ka yaabsadeen, wuxuuna qiray in hadda ayna Juventus iyaga yaraysan doonin.

De Jong oo arintan ka sii hadlaya ayaa yidhi: ‘Juventus ayaa ugu cad cad, laakiin Real Madird ayaa sidoo kale ahayd. Iyagu waxay ku farxayaan isku aadka, laakiin haddii ay nagu arkaan Champions League iyagu nama yaraysan karaan”.

Ajax ayaa haysata koox ciyaartoy da’yar ah oo aan kooxna ka cabsanayn waxayna aduunka kaga soo yaabsadeen labadii kulan ee ay Real Madrid kaga hor yimaadeen Champions League gaar ahaan kulankii Bernabeu taas oo hadda Juventus u noqonaysa wax ayna ku dhayalsan karin Ajax.