Kadib Ku Guuleysigiisii Abaal Marinta Xiddiga Sanadka Qaarada Afrika, Laacibkii Hore Liverpool El Hadji Diouf Oo Sheegay Inay Adag Tahay In Loolan Lala Galo Mohamed Salah.

Halyeyga reer Senegal anha xidig horey u soo xidhay maaliyada kooxda Liverpool El Hadji Diouf ayaa wuxuu qiray sida ay adagtahay in lagula tartamo laacibka reer Egypt ee Mohamed Salah abaalmarinta ciyaaryahanka sanadka ee Africa, taasoo lagu bixiyay xalay xaflada abaalmarinta ee CAF, kadib markii ay kula dagaalameen xidigaha Sadio Mané iyo Pierre-Emerick Aubameyang.

El Hadji Diouf oo wareysi bixinayay wuxuu ku sheegay: “Ka Senegal ahaan, waxay rajadeedu ahayd in abaal marintan ciyaaryahanka sanadka ee Africa uu ku guuleysto Sadio Mané, sababtoo ah wuxuu ila mid yahay sida walaalkey iga yar oo kale, runtii in badan ayaana isagu jeclahay, balse xidiga ay isku kooxda yihiin ee Mohamed Salah wuxuu soo bandhigaya waxyaabo layaab badan”.

Laacibkii hore kooxda reer England ee Liverpool ayaa wuxuu sidoo kale hadalkiisa intaa kusii daray: “Laakiin marka aan u hadlo sida daacada ah, waa wax aad u adag in la helo qof la tartami kara Mohamed Salah”.

Si kastaba Mohamed Salah ayaa wuxuu ku guuleysiga xiddiga sanadka Qaarada Afrika ku garaacay laacibka ay kawada tirsan yihiin kooxda Liverpool ee reer Senegale Sadio Mané iyo kan reer Gabon iyo kooxda Borussia Dortmund Pierre-Emerick Aubameyang.

El Hadji Diouf ayaa xirfadiis kubada cagta wuxuu ku hogaamiyay xulkiisa qaranka Senegal inuu ka qeyb galo koobkii aduunka sanada 2002 iyo sidoo kale African Cup of Nations isla sanadan, waxaase intaas u sii dheer inuu soo xidhay maaliyadaha Liverpool iyo Bolton, kuwaasoo ah labada kooxood uu ugu jecel ayahay horyaalka Premier League-ga.