Kadib Ku Guuleysiga Koobka UEFA Europa League Muxuu Ka Yidhi Antoine Griezmann Wararka Lala Xidhiidhinayo Inuu Ku Biirayo Kooxda Barcelona?.

Weeraryahanka kooxda Atletico Madrid iyo xulka qaranka France Antoine Griezmann ayaa wuxuu iska diiday inuu ka hadlo mustaqbalkiisa garoonka Wanda Metropolitano, kadib markii uu kula guuleestay kooxdiisa koobka UEFA Europa League.

Antoine Griezmann ayaa wuxuu ku hogaamiyay kooxda Atletico Madrid in ay xili ciyaareedkan ku guuleystaan koobka UEFA Europa League kadib markii ay xasuuq ba’an u geysteen dhigooda reer France ee Marseille 3-0.

Griezmann ayaa ciyaarta kadib wax laga weydiiyay mustaqbalkiisa kooxda Atletico Madrid iyo wararka ku aadan inuu ku biirayo Barcelona wuxuuna yidhi: “Tani ma ahan waqtiga ku haboonaa ee looga hadli lahaa arimo ku aadan mustaqbalka, waa inaad ku raaxeysataa ku guuleysigeena koobka UEFA Europa League”.

Xidiga kooxda Atletico Madrid ayaa wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: “Waxaan fursad u helnay isla markaana aan ku dhawaanay tartanka Champions League, laakiin haatan waxaan ku faraxsanahay inaan koob kula guuleysto kooxda Atletico Madrid”.

Antoine Griezmann ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Waxaan u mahadcelinayaa Diego Simeone wax badan, sababtoo ah wuxuu iga dhigay ciyaaryahanka ugu fiican, wuxuu sare iigu soo qaaday si aan u noqdo mid ka mid ah seddexda ciyaaryahan ee ugu sareeya adduunka, waxaana rajeynayaa inaan sii wanaajiyo islamarkaana aan ku guuleysano aniga iyo saaxiibadeyda”.

Hadalkan kasoo yeeray Antoine Griezmann ayaa wuxuu imaanayaa kadib markii saxiixiisa si xoogan lala xidhiidhiyay kooxda Barcelona xiliyadii lasoo dhaafay, iyadoo ay wargeysyada gudaha Spain ay xaqiijiyeen in xili ciyaareedka soo aadan ay kula saxiixan doonto aduun dhan 100 milyan euro.

Si kastaba Atletico Madrid ayaa markii seddexaad ku guuleysatay koobka UEFA Europa League ka dib makii ay ciyaartii finalka 3-0 ku dubteen kooxda Marseille iyadoo ciyaarta kama danbeysta lagu qabtay magaalada Lyon ee dalka Faransiiska.