Cristiano Ronaldo, Lionel Messi Iyo Neymar Jr Oo Hogaaminaya Shaxda Ugu Fiican 2017 Ee Ku Salaysan Liiska 50-ka Ciyaartoy Ee Aduunka Ugu Fiican Ee Qiimaynta Goal50.

Shabakada caalamiga ah ee Goal.com oo 37 luuqadood oo aduunka ah ku baxda isla markaana sanad kasta soo saarta qiimaynta 50 ka ciyaartoy ee aduunka ugu fiican iyada oo bandhigii ay soo sameeyeen 12 kii bilood ee la soo dhaafay lagu salaynayo ayaa shalay aduunka u soo bandhigay 50 ka ciyaartoy ee sanadkan 2017 aduunka ugu fiican iyada oo waliba Cristiano Ronaldo uu ku guulaystay abaal marinta goal50 ee sanadkan 2017.

Haddaba iyada oo 50 ka ciyaartoy ee liiskan ku soo baxay ay iskugu jiraan afarta boos ee ciyaartoyda kubbada cagtu u qaybsamaan ee goolhaye, difaaca, dhexda iyo waliba weerarka, waxayna markale shabakada Goal.com soo saartay shaxda ugu fiican ee laga samayn karo 50 ka ciyaartoy ee sanadkan aduunka ugu fiican ee ay qiimaynta ku soo saareen.

Kaalmaha ay ciyaartoydu ku kala jiraan ayaa saamayn ku leh in shaxdan ay ka soo muuqdaan, tusaale ahaan haddii ciyaartoy khadka dhexe ahi uu ku jiro kaalinta saddexaad ee qiimaynta Goal50, waxa uu shaxdan kaga hor marayaa xidiga khadka dhexe ee ku jira kaalmaha 5-50 aad, waana sababta shaxdani u noqon karto mid lagu tilmaami karo shaxda ugu fiican ee sanadkan 2017.

Haddaba shabakada Gool24.net oo hore idiinku soo gudbisay dhamaan liiska ciyaartoyda 50 ka ah ee ku soo baxay qiimaynta Goal50 ayaa markale halkan idiinku soo tabinaysa shaxda kooxda ugu fiican ee laga sameeyay 50 ka xidig ee ugu fiican sanadkan ee isla qiimaynta Goal50 ku soo baxay.

Waxaa shaxda kooxda sanadkan 2017 ugu fiican ee ku salaysan qiimaynta Goal50 goolka ugu jira Gianluigi Buffon oo kaalinta labaad ka galay codbixintii Goal50 isaga oo abaal marintan u waayay Cristiano Ronaldo, sidaa daraadeed, Buffon ayaa noqday goolhayaha xaqa u yeeshay in shaxdan magiciisa loogu horaysiiyo.

Difaaca dhexe waxaa ku wada jira Sergio Ramos oo kaalinta shanaad ka galay qiimaynta Goal50 iyo  Leonardo Bonucci oo noqday difaaca ugu soo dhaw kaas oo kaalinta 15 aad kaga jira qiimayntii shalay la soo saaray waxayna qiimayntan ku heleen bandhigii ay soo sameyeen gaar ahaan Champions Leaque iyo in ay ahaayeen labadii difaac ee finalkii Cardiff iskaga hor yimid.

Difaaca midig waxaa ku jira Dani Alves oo qiimaynta Goal50 kaga jira kaalinta 14 aad mana jiro difaac midig oo qiimayntan ku gaadhi karaa waxaana difaaca bidix xidhay isla markaana muran la’aan ku buuxiyay Marcelo oo koobabka La Liga iyo Champions Leaque ka soo caawiyay kooxdiisa Madrid.

Khadka dhexe waxaa ku midoobay Luka Modric oo kaalinta saddexaad ka galay qiimaynta Goal50 isla markaana booskii abid ugu fiicnaa soo gaadhay, waxaana khadka dhexe kula jira madaalaha Chelsea iyo xulka qaranka France ee N’Golo Kante kaas oo kaalinta 8 aad ka galay qiimayntii Goal50 halka Toni Kroos oo kaalinta 10 aad galay uu dhamaystiray saddexda khadka dhexe ee shaxda kooxda aduunka ugu fiican sanadkan 2017.

Ugu danbayn waxaa shaxda laga sameeyay 50 ka ciyaartoy ee aduunka ugu fiican weerarka ugu jira Cristiano Ronaldo oo abaal marinta Goal50 ku soo guulaystay isla markaana kaalinta kowaad galay, Lionel Messi oo sanadkan kaalinta afraad u dhacay iyo Neymar Jr oo kaalinta lixaad ku jiray.

Haddaba akhriste halkan kaga bogo shaxda kooxda aduunka ugu fiican ee laga sameeyay qiimaynta Goal50 ee 50 ka ciyaartoy ee aduunka ugu fiican iyada oo lagu saleeyay booskasta ciyaartoyda ugu qiimaynta saraysay.

Haddaba akhriste, adiga shaxdani ma kuula muuqataa shaxda kooxda sanadkan 2017 aduunka ugu fiican? Haddii ayna ku qancin oo aad filayso in ay wax ka qaldan yihiin, maxaad ka badali lahayd adiga oo ku qiimaynaya wax qabadkii ciyaartoyda ee 12 kii bilood ee ugu danbeeyay?.