Kadib In Chelsa Lagu Xukumay In Ay Magdhow Siiyaan Antonio Conte- Roman Abramovich Oo Ku Dhawaad Boqol Milyan Shaqo Ka Caydhin Ku Bixiyay.

Mulkiilaha Chelsea ee Roman Abramovich ayaa dhaqaale aad u badan ku waayay tababaryaashii badnaa ee uu kooxdiisa ka caydhiyay muddadii uu Stamford Bridge maamulayay.

Antonio Conte ayaa loo xukumay in Chelsea ay siiso lacag dhan 9 milyan gini oo magdhaw ah kadib markii uu dagaalkii kaga guulaystay dadkii difaacayay Roman Abramovich.

Mulkiile Roman Abramovich ayaa lacag boqol milyan gini ku dhaw waxa uu ku kharash gareeyay liiska dheer ee tababarayaashii uu kooxdiisa ka caydhiyay.

Marka lagu daro lacagta uu hadda Antonio Conte ugu guulaystay magdhawga in shaqada Chelsea laga caydhiyay waxa uu Roman Abramovich ku bixiyay £92.9 milyan gini.

Haddaba halkan kaga bogo liiska tababarayashii iyo lacagihii uu Roman Abramovich ku bixiyay shaqo ka caydhintii macalimiintan.

1-Claudio Ranieri, May 2004

Lacagta Magdhawga: £6m

2-Jose Mourinho, September 2007

Lacagta Magdhawga:: £23.1m 

3-Avram Grant, May 2008

Lacagta Magdhawga: £5.2m

4-Luiz Felipe Scolari, February 2009

Lacagta Magdhawga: £12.6m

5-Carlo Ancelotti, May 2011

Lacagta Magdhawga: £6m

6-Andre Villas-Boas, March 2012

Lacagta Magdhawga: £12m

7-Roberto Di Matteo, November 2012

Lacagta Magdhawga: £10.7m

9-Rafa Benitez, May 2013

Magdhow lama siin

10-Jose Mourinho, December 2015

Lacagta Magdhawga:: £8.3m 

11-Guus Hiddink, May 2016

Lacagta Magdhawga: None

12-Antonio Conte, July 2018

Lacagta Magdhawga: £9m

Wadarta Lacagta: £92.9m