Kadib Guushii Ay Kaga Soo Xirteen Heerka Groupyada Cristiano Ronaldo Oo Rajo Xoogan Ka Muujiyay In Markii Saddexaad Ee Xidhiidh Ah Ay Ku Guuleysan Karaan Tartanka Champions League-ga.

Xidiga kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Portugal Cristiano Ronaldo ayaa muujiyay sida uu ugu qanacsan yahay qaab ciyaareedkiisa iyo qaab ciyaareedka kooxdiisa kulankii Borussia Dortmund oo ay guul kaga gaadheen 3-2 gool.

Real Madrid ayaa guul ku soo xidhatay heerka Groupyada Champions Leaque iyada oo guul 3-2 ah ka gaadhay kooxda Borussia Dortmund oo dib uga soo kabsatay laba gool oo ay markii hore Madrid ku hormartay.

Cristiano Ronaldo iyo da’yarka Mayoral ayaa qaybtii hore ee kulankan min hal gool dhaliay halka Borussia Dortmund uu laba gool u dhaliyay laacibkooda Aubameyang laakiin Lucas Vazguez ayaa dhamaadkii kulankan goolka saddexaad ciyaarta ku go’aamiyay.

Los Blancos ayaa horey u xaqiijisay in inay qeyb ka noqoneyso wareega xiga ee 16-ka ee UEFA Champions League, Zinedine Zidane iyo wiilashiisa ayaa waxay rajo xoogan ka muujinayaan in tartankan ay difaacdaan markoodii saddexaad ee xidhiidh ah tan iyo 2016-kii.

Hadab Cristiano Ronaldo oo qaab ciyaareed cajiib ah kusoo bandhigay kulankii ay Borussia Dortmund kula ciyaareen garoonka Santiago Bernabéu kadib la hadlay saxaafada wuxuuna ugu horeyntii u sheegay: “Aad ayaan u faraxsanahay, waxaan dooneynay in heerka group-yada aan kaga dhameysano guul, waxaan dhaliyay gool, sidoo kale waxaan kooxdeyda kaga caawiyay guushan gool aad u qurxoon, gool dhalinta waa wax muhiim ah, aad ayaana ugu faraxsanahay wax walbo ee kulankan ka dhacay”.

Laacibka ree Portugal ayaa wuxuu hadalkiisa intaa sii raaciyay: “Tartanka Champions League waa tartan aan jeclahay inaan xili kastaa ka ciyaaro, Dabcan, sidoo kale waxaan jeclahay inaan goolal ka dhaliyo Waxaa muhiim ahayd inaan ka gudubno wareega group-yada. Waxaan dooneynaa inaan ku guuleysano Champions League markii seddexaad ee xidhiidh ah Waxaan rajeyneynaa in markale aan suuragalino ku guuleysiga tartankan xiisaha badan”.