Kadib Dib U Dhaca Ku Yimid Wada Hadalada Kooxda Arsenal, Aaron Ramsey Oo Dalab Ka Sugaya Liverpool Si Uu Ula Shaqeeyo Jurgen Klopp.

Tababaraha kooxda Liverpool Jürgen Klopp ayaa isku dayay inuu la soo saxiixdo ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Arsenal Aaron Ramsey inta lagu gudi jiray xiliyadii dambe ee suuqii xagaaga ee lasoo dhaafay, laakiin macalinka reer Germany ayaa qorsheenaya in markale uu dib ugu laabto wada hadalada uu ku doonayo saxiixa laacibka reer Weles, kadib markii uu hakat ku yimid wada hadalada lagu doonayay inuu qandaraaska ugu kordhiyo kooxda Gunners.

Heshiiska Aaron Ramsey ee kooxda Arsenal ayaa wuxuu dhacayaa xili ciyaareedka soo aadan, taasoo ka dhigi karta in saxiixiisa lagu helo si xur ah, inkastoo ay Gunners ay xiiseeneyso inay iibiso suuqa furmi doono bisha January, halka ay ku waayi lahaayeen beeca xurta ah.

Waxaa suuragal ah in Aaron Ramsey uu ku sii sugnaado Emirates Stadium ilaa iyo dhamaadka xili ciyaareedkan, balse marka uu noqdo ciyaaryahan xur ah, ayuu doonayaa laacibka reer weles inuu kala xusho kooxaha waaweyn ee qaarada yurub si uu midkood u go’aansado inuu u dhaqaaqo.

Kooxda Juventus ayaa ka mid ah kooxaha isha ku haya xaalada 27 jirkan reer Weles si ay qeyb kaga dhigto qorshaha kooxdeeda, halka sidoo kale agaasimihii hore kooxda Arsenal ee Ivan Gazidis uu kula taliyay kooxdiisa cusub ee AC Milan inay u dhaqaaqaan soo xero galinta Aaron Ramsey.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay ilo wareedyo, Aaron Ramsey ayaa ku faraxsan inuu heysto fursad uu kaga hoos shaqeyn karo hogaamiyaha garoonka Anfield ee Jürgen Klopp, iyo in uu markale la midoobo saaxiibkiis hore ee Alex Oxlade-Chamberlain oo haatan garoomada kaga maqan dhaawac dhanka jilibka ah.

Kooxda Liverpool ayaa fursad u heysan doonta inay lasoo saxiixato Aaron Ramsey si uu kula soo guuleysto wax uun kahor inta uusan soo gaba gabeynin xirfadiisa kubada cagta, tartanka Champions League ama Premier League.