Kadib Bandhigii Uu Sameeyay Kulankii Liverpool, Arsenal Oo Doonaysa Saxiixa Xidigii Reds Kadeeday Ee Hwang Hee-chan.

Xidiga xulka qaranka South Korea iyo kooxda RB Salzburg ee Hwang Hee-chan ayaa xiiso badan ka helaya kooxda magaalada London ka dhisan ee Arsenal kadib markii uu xidigani bandhig layaableh ka sameeyay kulankii Liverpool.

Hwang Hee-chan ayaa magiciisa si buuxda aduunka u baray kulankii Anfield kadib markii uu si layaableh dhulka u dhigay difaaca lala soo dhibtoonayay labadii sanadood ee ugu danbeeyay ee Virgil Van Dijk.

Hwang Hee-chan ayaa dhibaato wayn ku abuuray difaaca Liverpool isaga oo waliba gool cajiib ah dhaliyay laakiin bandhigii uu ka sameeyay kulankii Anfield muu ahayn mid aan la calaamadsan.

Waxaa jira dhar kooxood oo Premier League ka tirsan oo xiisaynaya saxiixa Hwang Hee-chan laakiin wararka ayaa sheegaya in Arsenal ay tahay kooxda inta ugu badan doonaysa in ay xidigan la soo wareegto.

Hwang Hee-chan oo 23 sano jir ah ayaa xili ciyaareedkan soo dhaliyay 7 gool wuxuuna soo sameeyay 10 gool caawin kadib markii uu saftay 11 kulan taas oo la mcino ah in 17 gool ku soo lug yeeshay 11 kii kulan ee uu kooxdiisa Salzburg soo matalay xili ciyaareedkan.

Wargayska Daily Mail ayaa shaaciyay in Arsenal ay la socoto xaalada Hwang Hee-chan isla markaana ay doonayaan in ay la soo saxiixdaan haddii ay si buuxda ugu qancaan.

Jamaahiirta kooxda Liverpool ayaa kadib kulankii Anfield ee Salzburg waxay baraha bulshada ku soo bandhigeen in ay jeclaan lahaayeen in Jurgen Klopp uu kooxdooda keeno Hwang Hee-chan kadib markii ay arkeen awoodii ciyaareed ee uu sameeyay.

Ka hor kulankii Liverpool iyo kooxda Salzburg ayay warbaahinta Ingiriisku sheegeen in ragga Arsenal u qaabilsan suuqa kala iibsigu ay Anfield ku daawanayeen Hwang Hee-chan laakiin hadda wararka ayaa sheegaya in kooxda Emery ay xidigan la soo saxiixan karto.

Laakiin waxaa la filayaa in Arsenal ayna kali ku noqon doonin tartanka saxiixa Hwang Hee-chan maadaama oo uu kooxo badan ku soo jiitay qaab ciyaareedkii Anfield iyo waliba kulamadii kale ee uu xili ciyaareedkan soo ciyaaray.