Kaddib Sagaal Sano Oo Uu Madrid Ku Soo Qaatay, Halkan Kaga Bogo 10-kii Odhaahood Ee Ugu Caansanaa, Faalada Ugu badana Bixiyay Ee Uu Cristiano Ronaldo Saxaafada Ka Hor sheegay.

Xalay waxa ay habeen taariikhi ah u ahayd kubadda cagta aduunka gaar ahaan kooxda Real Madrid iyo Cristiano Ronaldo oo markii ugu horaysay laba wado kala maray kaddib mudo sagaal sano ah oo ay wada joogeen, Ronaldo ayaana soo afmeeray sagaal sano oo qurux badan oo uu lasoo qaatay Los Blancos isaga oo u dhaqaaqay dhinaca kooxda Juventus.

33 Jirka ree Portugal waxa uu sagaalkaa sano ee u ku sugnaa caasimada Spain laga qabtay odhaaho caan ka noqday gudaha dunida kubadda cagta gaar ahaan horyaalka Spain, Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbin doona 10-kii odhaahood ee ugu caansanaa uguna faalada iyo muranka badnaa ee loo diiwaan galiyay xiddigan mudadaas.

Odhaahda koowaad ayaa ah mid uu Ronaldo ugu jawaabayo jamaahiirta kooxda oo ku oriyay sanadkii 2012 waxayna tahay “Waxaan filayaa inay iigu foodhyayaan inaan ahay mid taajir ah, Qurux badan isla markaana ahay ciyaartoy weyn, Dadku way iga xun yihiin aniga mahayo sharaxaad kale”

Odhaahda labaad ayaa ah mid uu yidhi xiddigu kaddib markii uu sanadkan 2018 la hantay Champions League saddexaad oo xidhiidh ah “Waxay ahayd mid wanaagsan in loo ciyaaro Real Madrid”

Odhaahda Saddexaad ayaa ah mid aad uga caan noqotay gudaha Spain kaddib markii ay kooxdu 2016 guuldaro kala kulanta kooxda Atletico Madrid markaas oo uu hoos u dhaca kooxda ku sheegay inay sabab u tahay heerka ciyaartoyda kale ee kooxda oo hooseeya isaga oo sheegay in haddi ay heerkiisa oo kale taagnaan lahaayeen ay kaalinta koowaad ku jiri lahaayeen waxaana ay odhaahdaasi ahayd “Way i dhibtaa inay yidhaahdaan Cristiano hoos ayuu u dhacay qaab ciyaareedkiisu taasina waa waxay u guuldaraysay Madrid, Haddii qofkasta uu heerkayga ahaan lahaa laga yaabaa inaan noqon lahayn kuwa ugu horeeya”

Odhaahda Afraad waa mid uu kabtanka Portugal ku sheegayo inuu murugaysan yahay isla markaana ay shaqsiyaadka kooxda ku sugan oo kaliyi garanayaan sababta murugadaas waxaana uu yidhi “Waxa laga yaabaa inaan wax yar murugaysanahay taasi waa sababtaa aanan ugu dabaaldegin goolasha, Ma faraxsani dadka kooxda ku sugani way ogyihiin waxaan ka hadlayo”

Odhaahda Shanaad waa mid uu xiddigu ku cabirayo sida uu naftiisa ugu huray kooxda sanadkii 2012 waxaana ay odhaahdu odhanaysaa”Waxaan kooxda siiyaa 9 aniguna waxaan ahay 10″

Odhaahda Lixaad waa mid uu xiddigu ku faanayo gool dhalintiisa cajiibka ah gaar ahaana marka la joogo Champions League waxaana uu yidhi  “Yaa dhaliyay goolasha ugu badan xilli ciyaareedkan? Laga yaabaa in Champions League ay badasho magaceeda oo loo bixiyo CR7 Champions League”

Odhaahda Toddobaad ayaa ah mid uu Ronaldo ugu jawaab celinayo Xavi Hernandez oo eedayn usoo jeediyay sanadkii 2016 waxaana uu halyeeyga Barcelona ku sheegayaa mid magac ku raadinaya eedayntiisa isagoo dhinaca kale ugu faanaya abaalmarinta Ballon d’or oo uu markaa isagu 3 jeer hantay”Waxaan ahay ciyaartoyga inta ugu badan laga raadiyo Internet-ka, Dhammaan bogaga hore waxa lagaga hadlaa Cristiano Ronaldo marka uu Xavi aniga iga hadlo waxa uu raadinyaa caanimo, Waxa uu ku guulaystay wax kasta laakiin maya Ballon d’or anigu waxaan haystaa saddex isaguna waxa uu ka ciyaaraya Qatar”

Odhaahda Siddeedaad waa mid uu CR7 ku durayo saddexleydii weerar ee Barcelona ee MSN iyo wadajirkoodii waxaana uu yidhi “Cunooyinka yaryar, Dhunkashooyinka iyo hab in layska siiyaa waa wax aan micno lahayn, Markii aan joogay Manchester United waxaan ku guulaystay Champions League lamanaan hadal Ferdinand, Giggs ama Scholes, Maaha inaan Benzema casho u raaco ama aan Bale uu gurigayga yimaado”

Odhaahda Sagaalaad waa mid uu Cristiano kula wadaagay dadweynaha barta Instagram sanadii 2015 oo u taalay sida tan”Jacaylkiinu wuxuu iga dhigayaa mid sidii hore ka xooga, Nacaybkiinuna waxa uu iga dhigayaa mid aan la joojin karin”

Odhaahda Tobnaad ayaa ah mid uu Cristiano Ronaldo ku sheegay waraysi uu bixinayay waxaana uu yidhi “Waxaan ogahay in haddii aad kubadda cagta jeceshahay aad anigana i jeceshahay”