Kaddib Saddexleydii Aguero Iyo Goolkii Ronaldo, Maxaa Iska Beddelay Tartanka Gool-dhalinta Kabta Dahabka?

Tartanka gool-dhalinta qaaradda Yurub ayaa galay meel xasaasi ah kaddib markii uu kusoo biiray xiddiga reer Argentina ee Sergio Aguero oo laba saddexley ku dhaliyey laba ciyaarood gudahood, isla markaana sannadkan 2019 diiwaangashaday toddoba gool oo horyaalka Premier League.

Cristiano Ronaldo ayaa isaguna sare ugu soo ruqaansaday tartanka gool dhalinta ee biladda Kabta Dahabka ah isaga oo ka faa’iidaysanaysa abaar waqti kooban oo uu galay Lionel Messi oo labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey ka soomanaa dhalinta goolasha, waxaana uu laacibka reer Portugal xalay dhaliyey mid ka mid ah goolashii ay Juventus kaga adkaatay Sasoulo oo ahaa 3-0.

Ronaldo ayaa goolkiisaasi waxa uu ku galay taariikhda gool-dhalinta horyaalka Serie A ee waddanka Talyaaniga, isaga oo noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee toban ciyaarood oo xidhiidh ah goolal ka dhaliya tan iyo sannadkii 1993 oo uu sidan oo kale sameeyey Giuseppe Signori oo toban kulan oo xidhiidh ah oo u dhexeeyey May 1992 illaa February 1992 dhaliyey toban kulan oo xidhiidh ah.

Ronaldo waxa uu hadda leeyahay 18 gool, waxaanay siman yihiin Kylian Mbappe oo PSG ah, isla markaana aan usbuucan gool dhalinin.

Lionel Messi oo tartanka hoggaaminaya ayaa leh 21, waxaana kusoo xiga Ronaldo iyo Mbappe oo min 18 leh, halka Cavani, Aguero iyo Salah ay min 17 gool dhaliyeen.

Liiska kala-sarraynta gool-dhalinta kabta dahabka ah oo dhamaystiran:

  1. Messi 21
  2. Mbappe 18
  3. Ronaldo 18
  4. Cavani 17
  5. Aguero 17
  6. Salah 17
  7. Quagliarella 16
  8. Zapata 16
  9. Pepe 16
  10. Liliu 31
  11. Luis Suarez 15
  12. Aubameyang 15