Kaddib Rekoodhkii Uu Ka Jabiyay Cristiano Ronaldo, Diirada Lionel Messi Oo Markan Qabatay Rekoodh Weyn Oo U Yaala Halyeeyga Ree Brazil Ee Pele.

Weeraryahanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa toddobaadkan hore usoo af-meeray rekoodh Champions League uga yaalay xiddiga ay sida weyn u xifaaltamaan ee Cristiano Ronaldo balse diiradiisa ayaa markan haysa rekoodh uu dhigay halyeeyga ree Brazil ee Pele.

Goolkii uu ka dhaliyay kooxda PSV ayaa ka dhigaysa gool dhaliyaha ugu sarreeya Champions League ee marka la joogo heerka Group-yada, Rekoodhka uu haatan maanka ku hayo ayaana ah inuu noqdo xiddiga goolasha ugu badan u dhaliyay hal koox abid.

¿Se puede marcar un gol rodeado de cinco rivales? Messí sí puede

Messi ayaa jabiyay rekoodhka xiddiga goolasha ugu badan u dhaliyay hal koox oo Yurub ah waxaana uu dhaafay Torpedo Muller oo 565 gool lahaa isagoo kabtanka Barca haatan leh 567.

Loolanka xiga ee Leo ayaa ah inuu sii wado bandhiga goolasha isla markaana uu gaadho Pele oo 643 gool ku haysta goolasha ugu badan ee abid hal koox loo dhaliyay, 643 ka gool ayuu halyeeyga xulka Samba usoo dhaliyay kooxda Santos.

Haddaba, Hadiiba uu Messi yahay ciyaaryahanka abid goolasha ugu badan u dhaliyay hal koox oo Yurub ah, Waxa uu sidoo kale kulankii PSV ku noqday xiddiga hal koox u dhaliyay goolasha ugu badan tartanka Champions League (106 Gool).

In faqri 76 gool ah uu u dhaxeeyo Messi iyo Pele ayaa ah tartan adag oo kusoo wajahan xiddiga ree Argentina maadaama oo uu 31 sano jiro balse xawaarahiisa gool dhalinta ayaa ah mid u sahlaya inuu si fudud ku gaadho.