Kaddib Nus Darsin Goolal Ah Oo Lagaga Dhaliyay Etihad Stadium, Miyuu Tababare Maurizio Sarri Bedeli Doonaa Falsafadiisa La Eedaynayo Ee SARRI BALL? Isagaa Ka Jawaabay.

Chelsea ayaa guuldarro culus oo fadeexad ah lasoo kulantay xalay mar ay booqatay dhigeeda Manchester City, Guuldarradan ayaa ahayd midii ugu cuslayd ee Chelsea soo gaadha tan iyo la wareegistii kooxda ee mulkiile Roman Abramovich.

In Chelsea ay kusoo guuldaraysatay Etihad ayaa sheegaysa inay soo guuldaraysteen dhammaan saddexdii kulan ee ugu dambeeyay ee ay kusoo ciyaareen banaanka garoonkooda iyaga oo kulankii xalay si gaar ahaaneed usii xumaa horraantii kulanka kaddib in 25 daqiiqo lagaga dhaliyay 4 gool oo jawaab la’aan ah.

Kaddib argagaxaas iyo goolashaas nus darsin ka ah tababare Maurizio Sarri ayaa wax laga weydiiyay haddiiba uu bedeli doono falsafad ciyaareedkiisa eedaymaha xoogan la kulmaya ee loo yaqaan Sarri Ball amaba kubadda Sarri.

SIDOO KALE AKHRISO:  DEG-DEG: Romelu Lukaku Oo Gaadhay Magaalada Milan & Jamaahiirta Inter Milan Oo Soo Dhawaynta Halyeeyada U Sameeyay. + (MUUQAAL)

Haddaba, Maurizio ayaa ka biyo diiday inuu falsafadiisa bedelo isaga oo sheegay inuusan arag wax ku saabsan ciyaartiisii taa bedelkeedana ay u baahan yihiin inay ogaadaan sababta aysan wakhti xaadirkan u shaqaynayn ciyaartiisu.

59 Jirkan ayaa yidhi “Maya, Sababtoo ah maanta maan arag kubadaydii, Bilawgii way shaqaysay laakiin haatan waxaan kaliya u baahanahay inaan fahano sababta aysan wakhti xaadirkan u shaqaynayn”

“Waxaan u baahanahay inaan fahano sababta, Maaha wax sahlan, Bilawgii waxaan u ciyaarnay marka aan martida nahay si ka fiican markaan mininka nahay, Haatan waxaan si wanaagsan ugu ciyaarnaa mininka marka lala barbardhigo martida”

“Waxbaa is bedelaya, Anigu ma awoodo inaan arko sababta laakiin waa inaan ka shaqaynaa midan, Bar-tilmaameedkaygu waa inaan ciyaaro kubaddeyda maaha inaan u bedelo kubad kale sababtoo ah haatan waxaan ciyaaraynaa kubad kale”