Kaddib Mudo Saddex Sano Ah Oo Uu Joogay Liverpool, Jurgen Klopp Oo Doortay Kulanka Uu Ugu Jecelyahay Ee Kusoo Maray Gegida Anfield Mana Ah Kulamadii Champions League!!.

Kaddib markii uu u dabaaldegay sanad guuradiisii saddexaad ee kooxda, Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa wax laga weydiiyay kulanka amaba daqiiqada uu ugu jecelyahay ee kusoo martay Anfield mudadaas saddexda sano ahayd ee uu kasoo talinayay.

Klopp oo ka qayb qaadanayay barnaamij su’aalo iyo jawaabo ah ayaa la hordhigay su’aasha ah inuu doorto wakhtiga uu ugu jecelyahay ee kusoo maray Anfiled, Iyadoo la filayay inuu doorto kulamadii Champions League ee xilli ciyaareedkii hore ayuu gabi ahaanba iska diiday kulamadaas.

Klopp ayaa doortay kulankii ay guusha weyn ka gaadheen kooxdiisii hore ee Borussia Dortmund xilli ciyaareedkii 2016-2017 markaas oo ay kulan waali ah oo 4-3 kusoo dhammaaday ay kaga reebeen tartanka Europe League.

Tababare Jurgen oo ka warramaya arrintaas ayaa yidhi “Daqiiqada dookheyga ah ee Anfield ilaa haatan waa daqiiqadii uu Dejan Lovern goolka afraad ka dhaliyay Dortmund”

“Marka aan 100% ahaado mid daacad ah, Maalin gaar ah ayay ii ahayd aniga, Maalin khaas u ah kooxda iyo jawigii ugu fiicnaa ee aan helnay ilaa haatan”

Klopp ayaa saddexda sano ee uu joogay Reds gaadhay Finalada tartamada Champions League, Europe League iyo League Cup walow uu saddexda jeerba fashilmay.

Jamaahiirta kooxda ayaa filanaya in dhibaatada Finalada ee Klopp iyo abaarta koobab la’aaneed ee kooxda labaduba ay xilli ciyaareedkan soo af-jarmi doonaan.