Kaddib Markii Uu Eden Hazard Sheegay Inuu Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa, Chelsea Oo Dhaq-Dhaqaaq Deg-Deg Ah Bilawday & Jawaabta Real Madrid Bixisay Kaddib Qorshe Ay Blues Ula Tagtay.

Kooxda Chelsea ayaa u muuqata mid talaabooyin deg deg ah qaadaysa kaddib markii xiddiga kooxdeeda ee Eden Hazard uu sheegay inuu haatanba go’aan ka gaadhay mustaqbalkiisa isla markaana uu garanayo waxa uu samayn doono.

Chelsea ayaa Real Madrid oo ah kooxda uu Hazard doonayo u bandhigtay inay heshiis is weydaarsi sameeyaan oo ay iyagana kusoo wareejiyaan Marco Asensio balse qorshahaas ayaa noqday mid aan midho dhalin.

Tababare Maurizio Sarri ayaa lagu soo warramayaa inuu aad ula dhacsan yahay Asensio, Wargeyska Don Balon ayaana xusaya in Blues ay u sheegeen Madrid inay doonayaan Asensio inuu qayb ka noqdo heshiiska Hazard haddii kale aysan xiddigooda ka iibin doonin.

Los Blancos waa kuwo caashaqsanaa Hazard mudo aad u dheer sidoo kale xiddiga qudhiisa ayaa dhawr jeer si cad u sheegay inuu doonayo inuu ku biiro balse Real waxa ay u baahan doontaa bixinta qiime kasta oo ay Chelsea dalbanayso haddiiba ay diidaan in wax xiddigo is weydaarsi ahi dhaco.

Dhinaca kale, Asensio ayaa lagu sifeeyaa mid kamid ah da’yarta qaarada Yurub kuwooda ugu wanaagsan waxaana macquul ah inuu qaab wacan uga soo muuqan lahaa ciyaarta tababare Sarri haddiiba uu tababarahani sii haysto shaqada kaddib bandhigyo aan wacnayn oo ay dhawaanahan sameeyeen.

Marka laga yimaado inuu xilli ciyaareedkan si aan rasmi ahayn ugu jiro safka xulashada dookha koowaad ee kooxda haddana Don Balon ayaa intaa ku daraya in madaxweynaha Real ee Florentino Perez uu meel adag ka taagan yahay inuu da’yar hibo sidaa u weyn leh u ogolaado bixitaan.