Kaddib Markii Cesc Fabregas Qirtay Inuu Jecelyahay Ku Laabashada Kooxdiisii Arsenal, Miyay Maamulka Gunners Qorshaynayaan Inay Dib Ula Soo Saxeexdaan Xiddigan?

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Chelsea ahna xiddigii hore usoo wada maray kooxaha Arsenal iyo Barcelona ayaa dhawaan qirtay inuu jecelyahay ku laabashada Arsenal balse go’aan noocee ah ayay maamulka kooxdaasi ka qaateen xiddigan.

Fabregas ayaa waayihiisii ugu cajiibsanaa kooxda Arsenal oo uu isaga oo da’yar ku noqday xiddig magac weyn leh balse ugu dambayn waxa uu go’aansaday ku laabashada kooxdii uu kuliyadeeda kasoo baxay ee Barca kahor intii uusan kusoo biirin Chelsea.

Sida laga soo xiganayo Mundo Deportivo, Maamulka kooxdaas ayaan wax xiiso ah u qabin inay markale Emirates Stadium dib u keenaan 31 jirkan hore kabtanka ugu soo noqday waana hadalka uu sheegay shaqsi ku dhaw dhaw kooxda.

Hadalka laga helay shaqsigan ku dhaw Gunners ayaa ahaa mid u yaalay sida tan “Anagu ma tix-galinayno soo laabashada Cesc” Waana hadal dhaawici kara xiddigan oo dhawaan dib u gocday maalmihii wanaagsanaa ee uu kooxdaas kusoo qaatay.

Fabregas ayaa sheegay mar wax laga weydiiyay haddii uu ku laaban doono kooxdii uu ku hanoqaaday inay Arsenal ay tahay mid qalbigiisa ku jirta oo aysan jirin wax u diidaya ku laabashadeeda.

Heshiiska uu Cesc kula jiro kooxdiisa haatan ee Chelsea ayaa ah mid ku eeg dhammaadka xilli ciyaareedkan waxaana uu wali muran xoogani ku jiraa haddii ay kooxdiisu qandaraaska u kordhin doonto