Kaddib Markii Ay Ku Guuleysteen Horyaalka Dalka Talyaaniga Markii 7-aad Oo Xidhiidh Ah, Tababare Maxi Allegri Oo Jawaab Cad Ka Bixiyay Wararka La Xidhiidhinaya Shaqada Tababarenimo Ee Kooxaha Chelsea & Arsenal.

Tababaraha kooxda Juventus ee Maxi Allegri ayay xalay u ahayd habeen kale oo weyn kaddib markii uu kooxdiisa ku hogaamiyay horyaalkoodii todobaad oo xidhiidh ah waxaana uu tababare Maxi uga faa’idaystay guushaas kaddib inuu meel mariyo wararka la xidhiidhinaya kooxaha ree Ingiriis ee Arsenal iyo Chelsea.

Arsene Wenger ayaa shalay soo khatimay 22 sano oo uu ka talinayay kursiga keydka ee Gunners halka Blues ay seegeen tartanka Champions League ee xili ciyaareedka dambe  taas ayaana keentay in kooxaha ree London lala xidhiidhiyo tababarayaal waawayn oo uu kamid yahay Allegri.

Haddaba Allegri ayaa si aan gabasho lahayn uga jawaabay wararkaas wuxuuna sheegay in uusan ka tagi doonin kooxdiisa haatan ilaa ay iyagu shaqada ka caydhiyaan, Allegri oo arintaas ka hadlaya ayaana yidhi “Miyaan sii joogi doona Juve? Haa waxaan haystaa qandaraas ay tahay inaan sharfo, Haddii aysan i eryin waxaan joogi doona Juve sanadka xiga”

Hadalkan ayaa soo gabagabaynaya xiisihii ay kooxaha ree London ee Chelsea iyo Arsenal u hayeen tababarahan ree Talyaani oo isagu hore u sheegay inuu maalin uun tababare ka noqon doono horyaalka dalka ingiriiska ee Premier League.

Gunners ayaa haatan diirada saari doonta tababarayaal kale oo heer caalami ah oo ay kamid yihiin Luis Enrique, Brendan Rodgers, Mikel Arteta & Patrick Vieirra, Halka Blues ay si aad ah u xiisaynayso tababaraha Napoli ee Maurizio Sarri.