Kaddib Laadkii Xorta Ahaa Ee Uu Ka Dhaliyay Man United, Harry Wilson Oo Farriin Ka Helay Jurgen Klopp & Wixii Ku Qornaa Oo Uu Shaaciyay.

Da’yarka amaahda kaga maqan kooxda Liverpool ee Harry Wilson ahna xiddiga haatan ee kooxda Derby County ayaa daaha ka qaaday nooca farriintii uu ka helay tababare Jurgen Klopp kaddib gool cajiib ah oo uu ka dhaliyay Manchester United.

Xiddiga ree Wales ayaa soo bandhigaya wax ka badan wixii laga filayay waxaana uu xilli ciyaareed weyn kula raaxaysanayaa kooxda tababare Frank Lampard oo haatan u ordaysa inay horyaalka Premier League usoo dalacdo.

Wilson ayaa laadkiisa xorta ah ee ugu wanaagsan bishii September kasoo dhaliyay kooxda Manchester United kulan ka tirsan Carabao Cup.

Manchester United ayaa kulanka ku hoggaaminaysay 1-0 kahor inta uusan bar-barayn Wilson waxaana ugu dambayn ay Old Trafford kusoo gaadheen guul iyaga oo tartanka ka saaray Red Devils.

Haddaba, Wilson ayaa sheegay in Klopp uu usoo diray farriin uu ugu sheegayo inuu laadka xorta ah daawaday oo uu soo sameeyay bandhig wanaagsan isaga oo dhinaca kale ugu hambalyeeyay natiijada kulanka.

Harry Wilson ayaa yidhi “Waxa uu isoo diray farriin qoraaleed si uu iigu sheego inuu daawaday waxaana uu ku faraxsanaa qaab ciyaareedka iyo goolka”

“Dhawr toddobaad kahor waxa jirtay farriin kale oo odhanaysa natiijo wanaagsan, gool wanaagsan hore u soco, Marka aad hesho farriimaha noocaas ah waa niyad dhis weyn mana iloobaysid”

Ugu dambayn, Wilson ayaa dhammaadka xilli ciyaareedkan kusoo laaban doona Liverpool isaga oo ku hamiyaya inuu booskiisa ka dhacsado safka koowaad ee tababare Klopp.