Kaddib Kulan Ay La Qaateen, Maxay Tahay Sababta Ay Barcelona U Dareensan Tahay Inay Saxeexa De Ligt Kaga Guuleysanayso Real Madrid, Manchester City & Juventus?

Maamulka dhinaca suuqa kala iibsiga ee kooxda Barcelona ayaa kulan la qaatay daafaca kooxda Ajax ee Matthijs De Ligt iyo wakiilkiisa Mino Raiola si ay boos fiican uga fadhiistaan loolanka ay kula jiraan kooxaha Real Madrid, Manchester City iyo Juventus.

Barca ayaa doonaysa inay dhisto koox xoogan oo mustaqbalka ah, Iyadoo aysan jirin xiddigo badan oo daafac dhexe ah oo balan qaad iyo isku halayn buuxda laga heli karo ayay maamulka Barca  De Ligt oo haatanba halka ugu sarreysa ee kubadda cagta bandhigyo wanaagsan ka samaynaya u arkaan mid ku haboon.

De Ligt, objetivo blaugrana

De Ligt ayaa ah ciyaartoy leh tayooyin wanaagsan iyo mustaqbal fiican waana sababta adkaynaysa tartanka loogu jiro saxeexiisa, Madaxda suuqa ee Barcelona ee Eric Abidal iyo Ramon Planes ayaa haatanba si wadajir ah kulan ula qaatay De Ligt iyo Raiola oo wakiil ka ah si ay ugu qanciyaan in Barca ay tahay dookha ugu fiican ee uu dooran karo.

Blaugrana ayaa doonaysan inay sharaxaad faah-faahsan ka siiso da’yarkan mashrucooda dhaw iyo waxa ay damacsan yihiin, Xiddigan ayaa ka warqaba in kooxda ay xilli horeba joogaan daafacydo dhexe oo heer sarre ah sida Pique, Umtiti iyo Lenglet isla markaana uu ku qasbanaan doono inuu booskiisa u dagaalamo.

19 jirkan ayaa sidoo kale og in kooxaha qaar saxeexiisa doonaya ay siin doonaan boos joogto ah balse qoddobkaasi uu yahay mid aan Barca waligeed xiddig u balanqaadin waxaana tusaale u ah Lenglet oo isagoo dookha saddexaad ee daafaca ah kusoo biiray balse kulamo badan ciyaaray kaddib shaqo adag oo uu qabtay.

Daafacan ayaa sidoo kale aad ugu faraxsan xiisaha uga imanaya kooxda tababare Valverde maadaama oo uu aaminsan yahay inay tahay koox ku haboon hab ciyaareedkiisa taasina waa sababta uu u diiday dalabaad badan oo ka fiicnaa kuwa Barca.

Si kastab ha ahaatee, Sababta dhabta ah ee ay madaxda suuqa ee Barca niyad wanaag uga muujinayaan inay ku guuleysan doonaan saxeexa daafacan ayaa ah maadaama oo wadahadalka ay la yeesheen uu ahaa mid wanaagsan oo aan wax is afgarad la’aan ahi ka jirin.