Kaddib In Neymar JR Uu Dhawaan Soo Gaadhay Magaalada Barcelona, Madaxweynaha Barca Ee Josep María Bartomeu Oo Jawaab Cad Ka Bixiyay Wararka Xiddigan Dib Ula Xidhiidhinaya.

Madaxweynaha kooxda Barcelona ee Josep María Bartomeu ayaa markiisa wax laga weydiiyay wararkii xooganaa ee dhawaan kooxdooda la xidhiidhinayay inay dib ula soo saxeexanayan garabka kooxda Paris Saint-Germain ee Neymar JR.

Neymar ayaa aduun dhan 222 Milyan ugu biiray kooxda ree France suuqii xagaaga ee sanadkii 2017 balse dhawaan ayaa markale lala xidhiidhiyay kusoo noqoshada Camp Nou wararkaas ayaana sii xoogaystay markii xiddiga qudhiisu uu dhawaan sheegay inuu magaalada Barcelona soo gaadhay.

Bartomeu ayaa si cad u sheegay in xiddiga ree Brazil uusan kusoo laabanayn Barca isaga oo sidoo kale farta ku fiiqay inaysan jirin wax qorshe ah oo dib loogu soo celinayo gobolka Catalonia.

Madaxweynaha ayaa hadalkiisa ku bilawday “Neymar kuma soo laaban doono Barcelona, Isagu masoo noqon doono mana jiraan qorshayaal isaga dib loogu soo celinayo”

Ma uusan jirin wax teleefan ah, Ma uusan jirin wax kulan ah ma uusan jirin waxa xidhiidh ah, Ma jeclin ciyaartoyda lacagaha qandaraaskooda la bixiyo ee taga”

Dhianaca kale Josep Maria oo ka hadlaya  qorshayasha kooxdiisa ee suuqa ayaa yidhi “Ma jiraan wax qorshayaal ah oo cid lagula soo saxeexanayo bisha January marka suuqu furmo”