Kaddib Imaatinkiisa Real Madrid, Eden Hazard Oo Ka Hadlay Isbar-Bardhiga Lagula Sameeyo Ninka Uu Dhawaan Tooska Ula Loolami Doono Ee Lionel Messi.

Saxeexa cusub ee kooxda Real Madrid ee Eden Hazard ayaa ugu dambayn rumeeyay riyadiisii kubadda cagta ee mudada dheer waxaana uu heshiis shan sano ah qalinka ugu duugay kooxdii uu bar-tilmaameedka kasoo dhigan jiray.

Hazard ayaa dhawr jeer si cadaan ah u sheegay in Real ay tahay kooxda uu ku riyoodo isla markaana tababaraha kooxdaas ee Zinadine Zidane uu yahay shaqsiga ku sababay inuu kubadda cagta xirfadle ka noqdo.

Si kastaba, 28 jirkan ayaa xalay si rasmi ah u noqday Madridista waxaana ay Los Blancos aduun lacageed oo 100 Milyan ah kagala soo saxeexdeen Chelsea.

Hazard ayaa tagaya Estadio Santiago Bernabeu uu wax badan qabyo ka yihiin isla markaana u baahan hoggaan cusub oo riixa weerarka kooxda isla markaana koobab keena oo buuxiya booskii uu baneeyay Cristiano Ronaldo.

SIDOO KALE AKHRISO:  Ma Rumaysan Karaan Jamaahiirta Man United - Solskjaer Oo La Weydiiyay Dhammaystiraha Ugu Wanaagsan Ee Kooxdiisa & Xiddiga Uu Doortay Oo Aan Ahayn Rashford, Martial & Pogba Midna.

Sidoo kale mid kamid ah shaqooyinka u yaala Hazard ayaa ah inuu wax muuqda ka keeno kulamada El-Classico ee ay Los Blancos xilli ciyaareedkan sida weyn ugu soo jabtay.

Taas ayaa la micno ah in sidoo kale Hazard uu xifaaltan hoggaamineed la galo weeraryahanka ahna kabtanka Barcelona ee Lionel Messi sidii horeba uu Ronaldo tartanka aan dhammaadka lahayn ula soo galay.

Haddaba, Hazard muxuu ka aaminsan yahay dadka isaga la meel dhiga Messi miyuuse isku arkaa shaqsi qaban kara shaqada uu xiddiga ree Argentina ka hayo Camp Nou.

Hazard ayaa iska fogeeyay isbar-bardhigaas waxa uu sheegay inay jiraan waxyaabo ay iskaga mid ka yihiin balse Messi uu yahay ciyaartoy goolal muhiim ah dhaliya.

SIDOO KALE AKHRISO:  Xiddiga Garoonka, Xiddigaha Fashilmay Iyo Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii Ay Arsenal Ka Badisay Burnley

Hazard ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Aniga la ilama bar-bardhigi karo Messi, Haa way jiraan meelo aanu isku mid ka nahay, Labadayaduba waxaanu nahay kuwo jidh ahaan yar oo dheereeya, Laakiin isagu waxa uu dhaliyaa goolal muhiim ah kulan kasta, Aniga la ilamama bar-bardhigi karo midka aan cid lala bar-bardhigi karaa jirin”