Kaddib Go’aankii Uu Adrien Rabiot Ku Gaadhay Inuu Ku Biiro Barcelona, Kooxda Paris Saint-Germain Oo Markeeda Go’aan Gaadhay & Saamaynta Uu Barca Ku Yeelan Karo.

Kooxda ree France ee Paris Saint-Germain aya lagu soo warramayaa inay markeeda go’aan ka qaadatay oo ay ka tashatay mustaqbalka xiddiga kooxdeeda ee Adrien Rabiot kaas oo u muuqda mid kooxda kasii jeeda sida ay wararku sheegayaana qalbiga gashaday kooxda Barcelona.

Xiddigan khadka dhexe ayaan weli wax qandaraas kordhin ah u samayn kooxdiisa waxaana uu sharcigu u ogolaanayaa inuu kooxaha ka baxsan gudaha France uu wadahadal kala yeelan karo mustaqbalkiisa wixii ka dambeeya bisha January.

Wargeyska caanka ka ah dalka France ee Le Parisien ayaa shaaciyay go’aanka ay gaadheen madaxda PSG isaga oo ku warramaya inay go’aan ku qaateen inay iska iibiyaan xiddigan suuqa January.

Agaasimaha ciyaaraha ee Paris ee Antero Henrique ayaa go’aan ku gaadhay inuu lacag ka sameeyo bixitaanka xiddigan oo ay kooxda ka diraan January halkii ay qaab xor ah ku waayi lahaayeen suuqa xagaaga dambe.

Kooxda horyaalka Talyaaniga ee Juventus iyo waliba kooxda uu xifaaltanka ba’ani kala dhexeeyo Barca ee Real Madrid ayaan qudhoodu ka maqnayn xiisaha Rabiot waxaana ay qorshaynayaan inay lacag ka bixiyaan January halkii ay ka sugi lahaaayeen xagaaga.

Xidhiidhka cakiran ee Barcelona iyo Paris Saint-Germian kasoo dhaxeeyay sanadihii ugu dambeeyay ayaa ah arrinta ugu culus ee caqabada ku noqon karta in 23 jirkani uu ka qayb noqdo safka Camp Nou.

Waxa xusid mudan in PSG ay awood dhaqaale kula saxeexatay Neymar xagaagii 2017 isla markaana ay Barca ka hor istaagtay inay kooxdeeda kala wareegto xiddigo badan oo ay kamid yihiin Thiago Silva, Marco Veratti iyo Angel Di Maria.