Kaddib Fashilkii Suuqii Kala Iibsiga Ee Xagaaga, Tababare Jose Mourinho Oo Doortay Booska Uu Kooxdiisa Ka Xoojinayo Suuqa January & Xiddigaha Uu Lasoo Saxeexan Karo.

Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa kaddib xilli suuq waji gabax leh oo kooxdiisa kusoo qabsaday xagaagii dhawaa qorshaynaya inuu kooxdiisa xoojin balaadhan kaga sameeyo hal boos suuqa xiga ee bisha January.

Mourinho iyo maamulka kooxda ayaa si toos ah iskugu dhacay kaddib fashil ka yimid in kooxda la keeno xiddigihii uu tababaraha ree Portugal dalbaday iyadoo kooxda lagu soo daray kaliya Fred, Diogo Dalot iyo goolhaye Lee Grant.

Sida uu ku warramayo wargeyska Manchester Evening News Mourinho ayaa doonaya inuu wali kooxdiisa kusoo daro daafac dhex isla markaana uu suuqa January kasoo helo xiddig si buuxda u xasiliya daaficiisa aan salka adag lahayn.

Bar-tilmaameedyadii ugu waaweynaa ee uu Jose lahaa suuqii xagaaga ayaa ahaa daafacyo dhexe oo uu dhammaantood ku guuldaraystay saxeexyadooda waxaana qayb ka ahaa xiddigaha uu boskaas u doonaya Harry Maguire oo ka tiran kooxda Leicester City iyo Daafaca Tottenham ee Toby Alderweirld.

Xiddigaha uu booskaas u doonayo ayaa la filayaa inuu markale kusoo laaban doono Alderweirld oo uu heshiiskiisa Spurs dhacayo xagaaga dambe iyo daafaca mustaqbalka weyn leh ee Milan Skrinar oo qayb ka ah kooxda Inter Milan.

Ugu dambayn, Rabitaanka Jose ayaa noqon kara mid waxba kama jiraan ah haddii ay maamulka kooxdu markale diidaan inay bixiyaan lacagaha saxeexyo cusub lagu samayn karo sidii horeba u dhacday xagaagii.