Kaddib Fashilkii Saxeexa Jorginho Ee Suuqii Xagaaga, Manchester City Oo Markale Dalab Ka Gudbinaysa Xiddig Aad Loo Qiimeeyo Suuqa January.

Kooxda Manchester City ayaa isku dayaysa sidii ay uga soo kaban lahayd niyad jabkii kaga yimid dhinaca xiddigii hore ee Napoli ee Jorginho oo ay aad u doonaysay saxeexiisa suuqii January balse ugu dambayn ku biiray kooxda Chelsea.

Indhaha Sky Blues ayaa haatan qabtay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Lyon ee Tanguy Ndombele waxaana ay haatan diyaarinayaan dalab qaali ah oo ay ku doonayaan saxeexiisa bisha January.

Pep Guardiola ayaa 21 jirkan u arka mid leh calaamadaha uu ka doonayo xiddig ku aflixi kara hanaanka ciyaareed ee kooxdiisa waxaana uu ku doonayaa 40 Milyan si uu bedel ugu noqdo Fernandinho oo dhawaan 34 jirsan doona.

Guardiola ayaa ka warqaba in Fernandinho uu ugu yaraan u baahan yahay inuu kulamada qaar nasto hadiiba aan si rasmi ah looga wada maarmin waxaana uu Ndombele u arkaa mid mustaqbal dheer leh.

Wargeyska The Telegraph ayaa intaa ku daraya in tababarihii hore ee Bayern Munich uu doonayo inuu heshiiskan ku daro da’yarka kooxdiisa ee Oleksandr Zinchenko kaas oo dhinaca Lyon amaah ku aadi kara.

Xiddigaha kala ah Miralem Pjanic iyo Frankie De Jong ayaa sidoo kale ah kuwo uu Pep dalabaad ka geyn karo iyadoo ay xusid mudantahay in labadan xiddigba ay yihiin kuwo inbadan lala xidhiidhiyay Citizens dhawaan.