Kaddib Dhibaatada Ka Haysata Suuqa Kala Iibsiga Ee Xagaagan, Shax Xoogan Oo Laga Sameeyay Xiddigiha Uu Jose Mourinho Isku Dayay Inuu La Saxiixdo Balse Ku Gacan-Saydhay.

Waxa wali halkooda kasii socda dhibaatada suuqa kala iibsiga ee tababare Jose Mourinho iyo kooxdiisa Manchester United ka haysata inay suuqa xagaagan lasoo saxeexdaan xiddigihii ay uga baahnaayeen suuqa kala iibsiga xiddigaha.

Jose Mourinho ayaa si aan gabasho lahayn saxaafada uga hor sheegay inuu tiraba shan xiddig ka dalbaday kooxdiisa balse uusan haatan midna haynin, Hadalkaas ayaa u muuqday mid tababaruhu uu ka dhaliilayo madaxda sarre ee kooxda sidoo kale Mou waxa uu af-lagaadeeyay safka Manchester United ee da’yarta u badan ee qaybta ka ah kulamada ICC Cup-ka ee ka soconaya dalka Maraykanka.

 

Walow ay wax adag tahay in xiddiguhu ay diidaan inay u saxeexaan koox uu hoggaaminayo tababare weyn sida Jose haddana waxa shax dhammaystiran laga sameeyay 11 ka xiddig ee ugu waawayn ee uu isku dayay inuu la saxeexdo balse ku gacan saydhay.

Haddaba waxaan halkan idiinku soo gudbin doonaa shaxda xoogan ee laga sameeyay 11-ka xiddiga ee Special One ugu jawaabtay “MAYA” kaddib markii uu xiiso u muujiyay, Shax ciyaareedkan ayaa u taala qaabka 3-4-3

FG: Waxaan idiin soo wada gudbin doonaa magaca xiddiga, Sanadkii uu Mourinho isku dayay saxiixiisa iyo kooxdii uu tababaraha u ahaa markii uu xiddigaas dalbaday.

Goolhaye: John Ruddy (Chelsea, 2013)

Daafac: John Stones (Chelsea, 2015)

Daafac: Mats Hummels (Manchester United, 2016)

Daafac: Raphael Varane (Manchester United, 2016)

Khad Dhexe: N’Golo Kante (Manchester United, 2016)

Khad Dhexe: Steven Gerrard (Chelsea, Inter Milan and Real Madrid, Sanado kala duwan)

Khad Dhexe: Willian (Manchester United, 2017)

Khad Dhexe: Wayne Rooney (Chelsea, 2013)

Weeraryahan: Antoine Griezmann (Manchester United, 2017)

WeeraryahanAlvaro Morata (Manchester United, 2017)

Weeraryahan: Alvaro Morata (Manchester United, 2017)