Kaddib Dhaawaca Soo Gaadhay Luis Suarez, Imissa Xiddig Ayuu Tababare Ernesto Valverde Kusii Buuxin Karaa Booska Uu Baneeyay Weeraryahanka Ree Uruguay?

Dhaawacyada kooxda Barcelona ayaa markale dib u curtay kulankii Atletico Madrid waxaana kulankaas ay dhaawacyo kusoo gaadheen xiddigo muhiim ka ah safka kooxda sida Luis Suarez iyo Arthur Melo.

Eresnto Valverde oo ah shaqsiga ay qusayso xalinta dhibaatada kooxda lasoo deristay gaar ahaan weerarka dhexe ayaa kulanka Champions League ee PSV u watay saf ay ka maqan yihiin xiddigahaas muhiimka ahi walow uu dhinaca kale dib u helay Philippe Coutinho iyo Ivan Rakitic.

¡Matador! Así logró Suárez los tres puntos para el Barça en Vallecas

Weeraryahanka ree Uruguay ayaa dhaawaca kulankaas kasoo gaadhay ku qasbay inuu mudo laba toddobaad ah ka maqnaan doono garoomada iyadoo loo sheegay inuu daawayn dhinaca unugyada jilibka ah soo qaato.

Haddaba, Kaddib soo laabashada Coutinho, Valverde ayaa looga fadhiyaa shaxda iyo hanaanka ciyaareed ee uu kooxdiisa u agaasimi doono kulanka ay booqanayaan kooxda ree Holland.

Xiddiga ay macquulka tahay inuu booskaas buuxiyo ayaa ah Munir El-haddadi oo ah weeraryahanka kale ee kooxda jooga walow uu xog aan fiicnayn ka haysto xilli ciyaareedkan maadaama oo uu hal gool iyo hal caawin soo sameeyay siddeed kulan iyo 228 daqiiqo oo uu garoonka ku jiray.

Sidoo kale waxa jirta suurogalnimo uu Lionel Messi kaga ciyaari karo booska weerarka iyadoo Ousmane Dembele iyo Phil Coutinho ay garbaha ka caawinayaan.

Ugu dambayn, Waxaan meesha ka maqnayn Malcom oo garbaha ka ciyaari kara haddiiba Coutinho booska khadka dhexe ee Arthur Melo ka dhaawacan yahay lagu buuxiyo.