Kaddib Colaadii Uu Jamaahiirta Ka Samaystay, Miyuu Granit Xhaka Toddobaadkan Arsenal Kusoo Laaban Doonaa? Tababare Emery Ayaa Ka Jawaabay.

Tababaraha kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa ka hadlay wax ku saabsan fursada khadka dhexe ee kooxdiisa ee Granit Xhaka uu kaga soo muuqan karo kulanka ay toddobaadkan soo dhawaynayaan Southampton.

Xhaka ayaan Arsenal u ciyaarin tan iyo markii uu muranku dhex maray jamaahiirta kooxda oo ay isku dhaceen kulankii ay Crystal Palace la yeesheen toddobaadyo kahor isagoo sidoo kale laga siibay masuuliyada kabtanimo ee kooxda.

Marka laga yimaado inuusan afartii kulan ee ugu dambeeyay u ciyaarin Gunners, Tababare Emery oo haatan wax laga weydiiyay haddii uu qayb ka noqon doono xiddigaha uu Saints ku wajahayo ayaa sheegay inay maanta oo Jimce ah go’aansan doonaan.

Dhinaca kale hadalka tababarihii hore ee PSG ayaa laga dhex akhrisanayaa in Xhaka uu haatan soo laaban karo maadaama oo uu sheegay inuu maskax ahaan sidii hore haatan ka wanaagsan yahay.

Advertisements

Unai oo arrimaha Granit ka warramaya ayaa yidhi “Jimcaha ayaanu go’aansan doonaa (Haddii uu kulanka Soutahmpton qayb ka noqonayo”.

“Waxa uu soo laabanayaa isagoo maskaxdiisu sidii hore ka fiican tahay, Aragtidiisa maskaxeed waa mid sidii hore ka wanaagsan si uu anaga noo cawiyo”.

In Xhaka uu kulanka Arsenal ee toddobaadkan kasoo muuqdo ayaa halis weyn noqon karta maadaama oo jamaahiirtu ay kooxdooda kasoo horjeedsan doonaan.

Baahida weyn ee ay haatan u qabaan inay saddexda dhibcood ka helaan Southampton oo booska 19-aad ku jirta iyo qaab ciyaareedkoodii fasaxa qaramada kahor ee liitay ayaa noqon doona kuwo uu cirka kusii shareero imaatinka Xhaka.

Advertisements