Kaddib Bandhigiisii Wacnaa Ee Xalay, Romelu Lukaku Oo Si Cad Uga Hadlay Mustaqbalkiisa Man United, Miyuu Ku Biirayaa Inter Milan?

Weeraryahanka kooxda Manchester United ee Romelu Lukaku ayaa ka hadlay wax ku saabsan mustaqbalkiisa kooxdaas kaddib kulankii uu wacdaraha kasoo dhigay ee xulkiisa Belgium xalay guusha ka gaadhay Scotland.

Lukaku ayaa markale awoodiisa ciyaareed kusoo muujiyay xulkiisa Belgium waxana uu xalay shabaqa Scotland dhex dhigay laba gool isaga oo u sahlay inay talaabo kale u qaadaan usoo bixitaanka EURO 2020.

24 jirkan oo laba xilli ciyaareed kusoo qaatay Man United ayaa 75 Milyan ku yimid Old Trafford mustaqbalkiisa ayuuna markale shaki soo galay kaddib markii uu si dhammaystiran uga soo bixi waayay shaqadii laga filayay.

Qaab ciyaareedka Lukaku ee Manchester ayaa ah mid aan lagu tiirsanaan karin oo aan joogto ahayn waana sababta keentay in dad badani ay ku baaqeen in la iska fasaxo.

Kooxda ree Talyaani ee Inter Milan ayaa loo arkaa mida ugu cad cad ee si dhab ah u doonaysa Lukaku kaddib khilaafka soo kala dhex galay Mauro Icardi iyo imaatinka tababare Antonio Conte.

Lukaku ayaa kaddib kulankaas xalay sheegay inuu marka hore la hadli doono maamulka kooxdiisa iyo wakiilkiisa gaarka ah balse waxa uusan meesha ka saarin bixitaan maadaama oo uu sheegay inuu filanayo xagaa mashquul badan oo suuqa kala iibsiga ah.

Romelu oo arrimahaas ka warramaya ayaa yidhi “Heshiis ayaan kula jiraa Man United, Waxaan la hadli doonaa kooxdayda iyo wakiilkayga Federico Pastorello si aan u sameeyo go’aanka ugu wanaagsan”

“Fasaxayga ayaan kula raaxaysanayaa qoyskayga haatan, Waan ogahay waxa aan samayn doono laakiin ma sheegi doono waynu arki doonaa, Ma haddii aan rajaynayo xagaa mashquul badan? Haa”