Kaddib Afartiisii Gool Ee Xalay, Miyuu Cristiano Ronaldo Ka Fikirayaa Muhiimka Ah Ee Abaalmarinta Ballon d’Or? Isaga Ayaa Jawaab Cad Bixiyay.

Hoggaanka xulka qaranka Portugal iyo kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo oo markale wacdarro ku dhigay xulkiisa xalay ayaa wax laga weydiiyay abaalmarinta xiddiga sanadka ee Ballon d’Or iyo haddii uu maanka ku hayo.

Ronaldo ayaa rekoodh iyo taariikh ku sameeyay afar gool oo uu xalay ka dhaliyay xulka qaranka Lithuania waxaana uu ku noqday ciyaartoyga abid goolasha ugu badan ka dhaliyay kulamada isreeb-reebka EURO oo uu haatan 25 gool leeyahay.

Sidoo kale Ronaldo ayaa sii dheeraystay rekoodhkiisa ah inuu yahay gool dhaliyaha abid ugu sarreeya xulalka ree Yurub waxaana uu leeyahay 93 gool oo heer caalami ah isagoo haatan rekoodhka abid ee goolasha qaramada dunida oo dhan kaliya 16 gool ka xigaan.

Si kastaba, Kaddib bandhigaas kale ee indho qabadka leh ee uu soo sameeyay, Ronaldo oo Ballon d’Or ka hadlay ayaa sheegay inuusan isagu u noolayn ka fikirka abaalmarinaha shaqsiga ah.

“Sida aan markasta yidhaahdo, Anigu uma nooli ka fikirka abaalmarinaha shaqsiga ah, Taasi waxay caqabad ku tahay waxa aanu wadajir ugu guuleysanay, Laakiin way wanaagsantahay, Anigu been ma sheegi doono, Waxa muhiimka ahi waxa uu ahaa inaan xulka caawiyo” Ayuu hadalkiisa ku bilaabay CR7.

Dhinaca kale Ronaldo ayaa farxad weyn ka muujiyay shanta gool ee uu kasoo dhaliyay labada kulan ee uu Portugal matalay kulamadan caalamiga ah isaga oo sheegay inuu doonayo inuu sii wado.