Kadar Oo Dibi Dhal, Antoine Griezmann Oo Diiday Amarkii Maamulka Kooxdiisa Atletico Madrid Iyo Simeone Oo LaSafray Ciyaartoy Uu Griezmann Ka Maqan Yahay.

Xidiga xulka qaranka France iyo kooxda Atletico Madrid ee Antoine Griezmann ayaa kaga dhabeeyay go’aankii uu ku gaadhay in aanu kaga soo xaadirin xarunta tababarka kooxdiisa wuxuuna jabiyay amarkii dhawaan lagu soo rogay ee ahaa in uu fiidnimadii caawa ku soo laabto xarunta tababarka.

Laakiin Antoine Greizmann oo hore ula soo hadlay maamulka kooxdiisa ayaa ku wargaliyay in aanu ka soo muuqan doonin xarunta tababarka taas oo keentay in uu go’aankiisa kaga dhabeeyay.

Ciyaartoyda kale ee kooxda Atletico Madrid iyo Diego Simeone ayaa sidii caadada u ahayd xagaaga kasta waxay u duuleen Los Angeles de San Rafael  iyada oo Antoine Griezmann aanu liiska ku jirin.

Liiska ciyaartoyda uu Diego Simeone caawa fiidkii la safray waxaa ku soo baxay afarta saxiix ee ay ilaa hadda kooxda Atletico Madrid samaysay ee Joao Felix, Hector Herrera, Felipe iyo Marcos Llorente.

Da’yarka aduunka ugu qaalisan ee Joao Felix oo dhawaan kooxda Atletico Madrid kula soo wareegtay 126 milyan yuro isla markaana loo gacan galiyay lambarkii Griezmann ayaa markii ugu horaysay la kulmay ciyaartoyda kooxdiisa cusub ee Atletico Madrid.

In Antoine Griezmann uu ka maqnaaday xarunta tababarka kooxdisia ee soo laabashadii ugu horaysay iyo waliba in ay kooxdu safar gashay isaga oo liiska ka maqan waxay keenaysaa waji cusub oo la xidhiidha khilaafkii Barcelona iyo Atletico Madrid.

Maamulka kooxda Atletico Madrid ayaa ku hanjabay in ay caawaaqibkeeda yeelan doonto heshiiskii ay Barcelona iyo Antoine Griezmann sii galeen bishii March waxaana hadda la sugayaa talaabada ay qaadi doonaan maamulka Atletico Madrid.

Antoine Griezmann ayaa ugu horayn mutaysan kara ganaax lacageed maadaama oo ay wali Atletico Madrid gacanta ku hayso mushaarkiisa waxayna arintani sii xumayn kartaa khilaafka kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid.

Laakiin sidoo kale waxay cadaadis saaraysaa maamulka sare ee kooxda Atletico Madrid oo hadda lacago badan suuqa galiyay isla markaana u baahan in ay helaan lacagta Antoine Griezmann.

Barcelona ayaa doonaysa in ay Atletico Madrid ogolaato wada xaajood kaas oo ay warsaxaafadeedkii ay soo saartay Atletico Madrid si cad ugu diiday iyada oo Barca laga doonayo in ay hal mar shubaan 120 ka milyan ee heshiiska Griezmann lagu burburin karo.

Diego Costa oo mustaqbalkiisa Atletico Madrid shaki la galinayo ayaa ka mid ahaa ciyaartoyda uu Simeone la safray waxayna Atletico Madrid barteeda twitterka ku xaqiijisay in ay gaadheen Los Ángeles de San Rafael isla markaana ay barri oo isniin ah si buuxda tababarka u bilaaban doonaan.

Si kastaba ha ahaatee, in Griezmann uu kaga dhabeeyay go’aankii uu ku gaadhay in aanu tababarka kooxdiisa Atletico Madrid ku soo laaban ayaa la sugayaa waxa ka dhalan doona.