Kabtankii Hore Ee Real Madrid Ee Iker Casillas Oo Fariin Qalbiga Taabanaysa Ku Sagootiyay Saaxiibkiisii Hore Ee Cristiano Ronaldo Kaddib Ku Biiristii Juventus.

Kabtankii hore ee kooxda Real Madrid ee Iker Casillas ayaa markiisa farriin sagootin ah oo qiiro leh ku sagootiyay Cristiano Ronaldo oo ay in mudo ah kasoo wada tirsanaayeen Los Blancos oo dhawaan si rasmi ah u dhammaystiray heshiiska uu kaga baxayo kooxda ee uu ugu biirayo Juventus.

Iker Casillas ayaa wakhti dahabi ah lasoo qaatay 33 Jirka ree Portugal iyaga oo si wada jir ah ugu soo guulaystay koobab waaweyn oo ay kamid yihiin horyaalka La Liga ee sanadkii 2011 iyo UEFA Champions League 2014.

Casillas ayaa fariintiisa ku sheegay inay dhaawac tahay in xiddid sida Ronaldo oo kale ah la sagootiyo isagoo dhinaca kale xiddiga uga mahad celiyay waxa uu u qabtay kooxda oo uu ka dhigay mid sidii hore ka weyn waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay “Sagootintu waa dhaawac waxaana ay kasii dhaawac badantahay marka la sagootinayo ciyaartoy adigoo kale ah”

“Waxaan doonayaa inaan kaaga mahad celiyo waxaad kooxda u qabatay kaas oo aad ka dhigtay mid ka weyn xataa siday markii hore ahayd, Waxaan kuugu hambalyaynaya inaad ku guulaysatay raadintii aad raadinaysay inaad noqoto midka ugu fiican, Waxaan kuu rajaynayaa nasiib badan safarkaga cusub”

Cristiano Ronaldo ayaa ugu dambayn faarujiyay qalcada Bernabeu oo uu ku qaatay sagaal sano oo dahabi ah halkaas oo uu ku soo guulaystay dhammaan koobabka heer kooxeed iyo abaalmarino shaqsi ah oo aad u badan sidoo kale haddii uu xiddigani hore uga soo dhalaalay horyaalada Premier League iyo La Liga waxa uu markan awoodiisa isugu gayn doonaa horyaalka Talyaaniga ee Seria A