Kabtanka Xulka Qaranka Belgium Eden Hazard Oo Ka Hadlay Guuldaradii Soo Gaartay, Isagoo Sheegay In Uu Jeclaan Lahaa In Ay Guul Ka Gaaraan France.

Kabtanka xulka qaranka Belgium Eden Hazard ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inay guul ka gaaraan dhigooda France, isagoo tilmaamay in xulkiisa uu waayay nasiibka ay guul ku gaari lahaayeen si ay ugu gudbaan finalka koobka aduunka 2018 ee haatan ka socda dalka Russia.

Xulka qaranka France ayaa u soo baxay finalka koobka aduunka kadib markii ay 1-0 ku khaarajiyeen Belgium. Samuel Umtiti ayaa noqday geesiga xulka France kadib marii uu dhaliyay goolka kaliya ee uu xulkiisu ku garaacay Belgium isla markaana ay ugu soo baxeen finalka koobka aduunka.

Laakiin xidiga kooxda Chelsea ahna kabtanka xulka qaranka Belgium ee Eden Hazard ayaa muujiyay sida uu kaga careesan yahay qaabka ay u ciyaareen xulka qaranka France kulankii xalay, kaasoo ku saleysnaa qaab difaacasho, waxayna u muuqataa in Eden Hazard uu la wadaagayo aragtidiisa.

Eden Hazard ayaa la hadlay wargeyska “Het Nieuwsblad” ee dalka Belgium kadib marka u kulanka soo idladay: “Waxaa ka ficnaan lahayd guuldarada Belgium uu la kulmay, inay guul ka gaaraan France”.

Xidiga kooxda Chelsea ayaa wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: “Laakiin sidaas oo ay tahay xulka qaranka France wuxuu u difaac tamay si wanaagsan, taasoo siisay awood ay ugu guuleysan karaan, wxaana awoodi weynay inaan aragno meelaha ay ka liitaan, waxaa naga maqnaa waqtigii nasiibka badnaa ee aan ku nimid ilaa iyo heerkan”.

Hazard ayaa hadalkiisa intaas sii raaciyay: “Waxaan aragnay xulka Belgium oo si fiican u ciyaaraya, waxayna tartanka ka hareen iyagoo ah koox awood badan”.

Kabtanka xulka qaranka Belgium ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xiray: “Waxaan ku soo bandhignay inaan nahay koox weyn, waana kufaraxsanahay waxa aan soo bandhignay inta aan ku gudi jirnay tartanka, ka kabtan ahaan aad ayaan ugu faraxsanahay inaan qeyb ka noqdo kooxdan”.