Kabtanka Xulka England Ee Harry Kane Oo Ka Hadlay Guuldaradii Xanuunka Badnayd Ee Ay Kala Kulmeen Xulka Croatia Kulankii Xalay Laga Cidhibtiray Tartanka Koobka Aduunka.

Kabtanka xulka qaranka England ee Harry Kane ayaa dhinaciisa ka hadlay guuldaradii xanuunka lahayd ee ay xalay kala kulmeen xulka Croatia oo isagu ilaa haatan wacdaro ka dhigaya tartanka koobka aduunka ee ka soconaya dalka Ruushka.

England ayaa laga saaray tartanka koobka aduunka iyagoo hal kulan u jira inay hantaan tartanka markoodii ugu horaysay tan iyo 1966, Goolal ka kala yimid xiddigaha Ivan perisic iyo Mario Mandzukic ayaa guul soo laabasho ah ku hoggaamiyay xulka Croatia kaddib markii gool ka yimid Kieran Trippier looga naxsaday.

Haddaba kabtan Harry Kane oo hormood usoo ahaa xulka England intii koobkani socday balse xalay kudhex muuq beelay ciyaarta ayaa qirtay in guuldaradani ay dhaawacayso balse ay u ahayd safar cajiib waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay “Waad ogtahay waxaan u shaqaynay si adag, Jamaahiirtu waxay ahaayeen kuwo cajiib ah waxay ahayd ciyaar adag, kulan kontonkiiba konton ah (50/50) Waan hubaa waxa jirtay fursad aanu ku qaban karaynay wax intan ka fiican laakiin waxaan u shaqaynay sidii ugu adkayd ee aan awoodnay”

“Way na dhaawacaysaa, Waxay na dhaawici doontaa in mudo ah, Laakiin madaxyadeena kor ayaan u qaadi karnaa waxay ahayd safar cajiib ah waxaan gaadhany meel ka fog meeshii qofkasta filayay inaan gaadhno waa inaan kaliya wax ka barano”

Si kastaba ha ahaatee, Xulka England ayaa macasalaameeyay tartanka ugu xiisaha badan dunida walow ay soo gaadheen meel fiican, Three Lions ayaan halkan oo kale iman kudhawaad 28 sano iyada oo lagu amaani karo tababare Southgate iyo da’yarta uu u kaxaystay Ruushka inay wax ka badaleen qaabkii uu xulkoodu ku tagi jiray tartamada waawayn ee xulalka.