Kabtanka Real Madrid Ee Sergio Ramos Oo Xaalad Fadeexad Ah Dhex Dhigay Da’yarka Man United Ee Marcus Rashford!!, Siday Wax U Dhaceen?

Da’yarka kooxda Manchester United ee Marcus Rashford oo ah mid loo arko inuu mustaqbal weyn ku leeyayay kooxdaas ayaa lagu fadeexadeeyay xogta gool dhalineed ee xilli ciyaareedkii dhammaaday ee 2018-19 loosoo diiwaan galiyay.

Labadan ciyaartoy ayaa laba xilli ciyaareed oo aan wanaagsanayn lasoo qaatay kooxahooda xilli ciyaareedkaas, Rashford ayaa booska lixaad ee kala sarreynta Premier League kula soo dhammaystay United halka Ramos iyo Madrid ay saddexaad ka noqdeen kala sarreynta La Liga.

Rashford ayaa xilli ciyaareedkaas soo helay masuuliyad intii hore ka badan kaddib imaatinka kooxda ee tababare Ole Gunner Solskjaer kaas siiyay fursad safka koowaad ah oo ka badan midii tabaarayaashii hore.

Sidaas oo ay tahay hadana 21 jirkan ayaa goolal badan soo diiwaan gashan guud ahaan xilli ciyaareedka waxaana uu kaliya soo dhaliyay 16 gool tartan kasta oo uu soo ciyaaray.

Taa bedelkeeda Ramos ayaa soo dhaliyay 17 gool waxaana uu hal gool dheer yahay Rashford isaga oo waliba soo ciyaaray 3645 daqiiqo halka da’yarka United uu soo saftay 3669 daqiiqo.

Xogtan ayaa ah mid fadeexad weyn ku ah weerar yahan masuul ka ah khadka weerarka ee koox weyn marka laga yimaado in Ramos ay soo caawisay xaqiiqada ah inuu masuuliyada rigooreyaasha ee Real Madrid iyo Spain isagu haysto.