Kabtanka Kooxda PSG Ee Thiago Silva Oo Sharaxay Xaqiiqada Ku Aadan In Neymar Jr Uu U Dhaqaaqi Doono Real Madrid, Si Uu U Noqdo Badalka Cristiano Ronaldo.

Kabtanka kooxda PSG ee Thiago Silva ayaa ka hadlay xaqiiqda wararka ku aadan in laacibka ree Brazil iyo kooxda ree france ee Paris Saint – Germain Neymar Jr uu ku biirayo kooxda Real Madrid, si uu u noqdo bedelka xiddiga reer Portugal Cristiano Ronaldo.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Brazil Neymar Jr ayaa heshiis u saxiixay maal qabeenada ree Carbeed ee kooxda PSG suuqii xagaaga ee lasoo dhaafay, taasoo ka dhigtay in heshiiskiisa uu noqdo kii ugu weynaa taariikhda kubada cagta, inkastoo ay jiraan warar xaqiijinaya in ciyaaryahanka uu doonayo mustaqbalka u dhaqaaqista kooxda Los Blancos ee dalka Spain.

Neymar ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo in diirada uu saaro inuu kula guuleysto horyaalka Ligue 1 kooxdiisa cusub, lakiin wuxuu sidoo kale indhaha ku hayaa mustaqbalka. Isaga oo doonayo in markale uu dib ugu laabto horyaalka La Liga sanadaha gaaban ee soo aadan.

Hadaba kabtanka kooxda PSG ee Thiago Silva ayaa wuxuu ka hadlay hadalada ku aadan rabitaanka Neymar ee ah inuu doonayo u dhaqaaqista kooxda Real Madrid wuxuuna yidhi: “Dadka waxay sii kor dhinayaan cadaadis xoogan ee ku aadan dhanka ciyaaryahana, waana waxa haatan heysta Neymar, haatan da’adiisu waa kaliya 25 jir”.

Thiago Silva  ayaa wuxuu hadalkiisa intaa kusii daray: “Neymar waa ciyaaryahan aad u wanaagsan lehna hami sare, balse ma garanayo waxay uu ku fikirayo mustaqbalka inuu sameeyo, balse si walbo ay ahaato isagu haatan waa xidig ka tirsan safka kooxda PSG taasi ayaana ah waxa inoo muhiimsan”.

 

Comments

comments