Kabtanka Kooxda Manchester United Wayne Rooney Oo Markale Dalab Xoogan Uu Kaga Yimid Mid Ka Mid Ah Kooxaha Ka Ciyaara Horyaalka Chinese Super League

Kabtanka kooxda Manchester United Wayne Rooney ayaa wuxuu dalab xoogan kaga imaanayaa markale, mid ka mid ah kooxaha ka ciyaara horyaalka  Chinese Super League, waxaa sidaas laga soo xiganayaa wargeysyada kasoo baxa gudaha dalka England.

“The Sun” ayaa daabacday in kabtan Wayne Rooney uu doonaya ku nagaashaha kooxda Manchester United ilaa iyo dhamaadka xili ciyaareedkan, intaa kadibna uu u dhaqaaqo  horyaalka  Chinese Super League uu Usbuucii mushaar ahaan u qaadan doono aduun dhan 1 million pounds.

Dhinaca kale hadii uu Wayne Rooney ogolaado u soo dhaqaaqista horyaalka Chinese Super League, waxay ka dhignaan doontaa in xidiga reer England uu noqo doono kan ugu mushaarka badan taariikhda kubada cagta.

Rooney ayaa waxaa kaga harsan heshiiskiisa haatan ee kooxda Manchester United kaliya 18 bilood, wuxuuna haatan kooxda ree England mushaar ahaan kaga qaataa Usbuucii aduun dhan 250 kun pounds sterling, waxayna u muuqdaan maamulka kooxda Uniredka kuwa aanan dooneyn in xidiga ay ka saxiixdaan heshiis cusub uu ku sii joogayo garoonka Old Trafford.

Comments

comments