Kabtanka Arsenal Ee Aubameyang Oo Go’aan Buuxa Ka Qaatay Haddii Uu Barcelona Ku Biirayo Suuqa Bishan January – Miyuu Ogolaaday Mise?.

Advertisements

Kabtanka ahna hoggaanka weerarka kooxda Arsenal ee Pierre Emerick Aubameyang ayaa lagu soo warramayaa inuu go’aan ka gaadhay haddii uu bishan January aqbali doono u dhaqaaqista dhinaca Barcelona oo lala xidhiidhinayay.

Advertisements

Aubameyang ayaa u muuqda mid aan mudo dheer ku negaadayn Emirates Stadium kaddib markii kooxda ree London uu ka waayay wixii uu ku hammiyayay oo ay si xidhiidh ah ugu fashilantay inay usoo baxdo UEFA Champions League.

Inay haatan boos hoose kaga jiraan miiska kala sarreynta ee horyaalka ayaa ka dhigan in haddiiba uu helo dalab macquul ah uu iskaga dhaqaajin karo xilli aysan u muuqan kuwo xilli ciyaareedkana ku dhammaysan kara afarta sarre.

Haddaba, Sida lagu sheegay wargeyska Mundo Deportivo, Aubameyang ayaa ogolaaday inuu ku biiro Barcelona gudaha bishan haddiiba ay Arsenal kasoo dalbato oo ay labada kooxoodna heshiis buuxa gaadhaan.

Bixitaanka Auba ee Emirates ayaan marnaba noqon doonin mid sahlan sababtoo ah inuu yahay midka hoggaanka u ah kooxdooda iyadoo Gunners aysan doonayn inay si sahlan ku lumiyaan xiddig meeqaam sarre ah.

30 jirkan ayaan ahayn weeraryahanka kaliya ee lala xidhiidhinayo kooxda Camp Nou ka ciyaarta balse waxa sidoo kale lasoo hadal qaaday magacyada Timo Werner, Piatek, Pedro Rodriguez & Rodrigo Moreno.

Advertisements