Kabtan Harry Maguire Oo Soo Xushay Ciyaaryahanka Ugu Hibada Wanaagsan Ee Uu Kasoo Garab Ciyaaray.

Kabtanka kooxda Manchester United ee Harry Maguire ayaa soo xushay ciyaaryahanka ugu hibada badan ee uu kasoo garab ciyaaray waayihiisa ciyaareed xilli uu iska indho tiray ciyaaryahano badan oo magac weyn leh oo uu dhinac kala soo saftay.

Xiddigaha uu Harry kasoo garab ciyaaray ayaa laga xusi karaa saaxiibkiisii Leicester City ee Jamie Vardy, kabtankiisa xulka qaranka England ee Harry Kane iyo xiddigaha ay Man United kawada tirsan yihiin ee Paul Pogba iyo Bruno Fernandes.

Marcus Rashford details leading role Harry Maguire played in ...

Si kastaba, Maguire oo dhammaan xiddigahaas soo diiday ayaa ciyaaryahanka ugu hibada wanaagsan ee uu kasoo garab ciyaaray u doortay saaxiibkiisa Manchester United ee Marcus Rashford.

Maguire ayaa sheegay inuu filanayo in Rashford uu waayo ciyaareed oo cajiib ah qaadan doono halka uu sidoo kale ka hadlay inuu 22 sano jirkani kabtan ka noqon karo Red Devils.

Harry oo arrimahaas ka hadlaya ayaa yidhi “Anigu inta badan waxaan si aad u sarreysa uga hadlayay Rashford markii aan isaga England kula sugnaa, anigu isaga in ku filan si heer sarre ah ugama hadli karo, waxaan filayaa inuu qaadan doono waayo ciyaareed oo aan caadi ahayn”

“Waxaan filayaa ka koox ahaan inay tahay inaay yeelato kabtan oo aad isaga ku tiirsanaato laakiin waxaad u baahan tahay inaad kooxda ku faafiso waajibaadka hoggaaminta, Marcus ayaa halkaas jooga waxaana uu dagaalamaa kulan kasta dhexdiisa”

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook

1 Comment

Comments are closed.