Kabta DAHABKA Ah – Halkan Ka Akhriso Kala Sarreynta Tartanka Kabta Dahabka Ah Ee Yurub, Kaalmaha Messi Iyo Ronaldo & Xiddiga Booska 1-aad.

Advertisements

Si lamid ah horyaalada qaarada Yurub ee meelaha xasaasiga ah maraya haddii ay noqoto hanashada horyaalada iyo kaalmaha Champions League, Waxa sidoo kale cirka ku shareeran dagaalka loogu jiro kabta dahabka ah ee gool dhalinta horyaalada Yurub.

Advertisements

Tartanka kabta dahabka ah ayuusan ninka difaacanaya ee Lionel Messi u muuqan mid xilli ciyaareedkan sidii hore ugu jira loolankeeda waxaana ka sarre maray xiddigo badan oo uu kamid yahay Cristiano Ronaldo oo ay si gaar ah ugu xifaaltamaan.

Aan ku bilawnee xiddiga hoggaanka haya booska 1-aadna ku jira ayaa ah weeraryahanka Lazio ee Ciro Immobile opo 25 gool kasoo dhaliyay horyaalka Serie A isla markaana 50 dhibcood ku hoggaaminaya.

Booska labaad ayuu ku jiraa weeraryahanka Bayern Munich ee Robert Lewandowski oo 22 gool soo diiwaan gashaday isla markaana 44 dhibcood leh halka Ronaldo iyo da’yarka RB Leipzig ee Timo Werner oo min 20 gool soo dhaliyay ay 40 dhibcood booska saddexaad ku joogaan.

Erling Haaland oo 18 gool usoo wada dhaliyay Salzburg iyo Borussia Dortmund ayaa 18 gool ku leh 38 dhibcood halka Romelu Lukaku iyo Jamie Vardy oo min 17 gool lehi ay 34 dhibcood wadaagaan.

Weeraryahanka Manchester City ee Sergio Aguero iyo Wissam Ben Yedder oo min 16 gool leh iyo Erik Sorga oo 31 gool soo dhaliyay laakiin 31 dhibcood loo xisaabinayo kana tirsan kooxda Loudon United ayaa 10-ka sarre soo dhammaystiray.

Halkan Kaga Boggo Kala Sarreynta 20-ka Xiddig Ee Ugu Sarreeya Tartanka Kabta Dahabka Ah Ee Gool Dhalinta Horyaalada Yurub

11: Eduoard (Celtic) 20 gool – 30 dhibcood

12: Mbappe (PSG) 15 gool – 30 dhibcood

13: Shkurin (CSKA Moscow)

14: Messi (Barcelona) 14 gool – 28 dhibcood

15: Ilicic (Atlanta) 14 gool – 28 dhibcood

16: Salah (Liverpool) 14 gool – 28 dhibcood

17: Rashford (Man United) 14 gool – 28 dhibcood

18: Aubameyang (Arsenal) 14 gool – 28 dhibcood

19: Joao Pedro (Cagliari) 14 gool – 28 dhibcood Cagliari

20: Ings (Southampton 14 gool – 28 dhibcood

Advertisements