Ka Rog Oo Haddana Saar! Kadib Fashilkii Jamaahiirta Liverpool Ee Taageeristii Man United, Ciyaartoy Ku Qoslaya Mateo Kovacic Oo Shuruud Looga Dhigay In Man City Guuldaro La Badi Doono.

Jamaahiirta kooxda Liverpool ayaa soo qaatay 90 kii daqiiqo ee xili ciyaareedkan waqtigooda ugu xumaa kadib markii ay ku bixiyeen taageerista kooxda ay sida wayn u xifiltamaan ee Man United intii lagu jiray kulankii Manchester Derby ee Old Trafford. Jamaahiirta Liverpool ayaa ka qoomameeyay in ay aamineen in Man United ay wax asxaan ah u samayn kartay.

Laakiin sheekadu meel kale ayay maraysaa hadda waxaana soo baxay mashruuc cusub oo jamaahiirta Liverpool loo sheegay in ay sameeyaan haddii ay doonayaan in Manchester City loo qabto, waxaana loo sheegay in ay qaybta danbe ee background-ka barahooda bulshada ay soo dhigaan sawir ciyaartoyo ku qoslaya xidiga kooxda Chelsea ee Mateo Kovacic.

Waxaa jirta xaqiiqo muujinaysa in kooda Burnley ay tahay kooxda ugu halista badan ee ay Man City dhibco kulumin karto waana taariikh waqti dheer soo taxnayd ee kulamadii ay Burnley marti galisay kooxaha koobka Premier league difaacanaya.

Waxaa hore loo ogaa in taageere kooxda Burnley ahi uu soo bandhigay in Burnley ay tahay kooxda la sugo in ay Man City dhibco ka lumiso wuxuuna markaas soo bandhigay natiijooyinkii markasta oo ay Burnley ku jirtay Premier league oo ay guuldarooyin baday dhamaan kooxihii koobka Premier league difaacanayay.

Laakiin taageere kale oo Burnley ay ayaa jaho wareerka jamaahiirta Liverpool waxa uu uga faa’iidaystay nacaybkii dhawaan soo kala dhex maray kooxaha Burnley iyo Chelsea wuxuuna taageerayaasha Liverpool u sheegay in ay barahooda bulshada qaybta background-ka soo dhigaan sawirka Ashley Barnes  oo ku qoslaya Mateo Kovacic taas oo dhacday kulankii Stamford Bridge.

Taageeraha kooxda Burnley ee  Vizeh oo ah You tuber ayaa jamaahiirta Liverpool u soo qoray fariin uu ugu sheegayo in haddii ay doonayaan in Burnley ay usbuuc dhamaadka garaacdo Man City ay sawirka danbe ee barahooda bulshada ay soo dhigaan sawirka Ashley Barnes.

Taageerahan ayaa dalbaday in qofkasta oo Liverpool ah oo sawirka Ashley Barnes u adeegsada barihiisa bulshadu uu u soo diro isla markaana ay sawir ka soo qaadaan, waxayna taasi yeelatay saamayn layaableh.

Inkasta oo aanu taageeraha kooxda Burnley ee  Vizeh aanu markii hore filayn in kalmadiisu ay meel dheer gaadhayso waxay si layaableh u gaadhay jamaahiirta kooxda Liverpool kuwaas oo si wayn uga falceliyay isla markaana taageeraha kooxda Burnley kaga jaabiyay sida ay fariintiisa uga soo jawaabeen.

Kumanyaal taageerayaasha Liverpool ah ayaa barahooda bulshada soo saaray sawirka Ashley Barnes waxayna hadda kooxda Burnley iyo xidigooda ka sii abuurteen taageero layaableh si uu kulanka Man City u sameeyo bandhig uu Liverpool u caawin karo.

Si kastaba ha ahaatee, kadib markii ay jamaahiirta Liverpool ku hun goobeen taageeradii Man United waxay hadda si buuxda u soo taageeri doonaan kooxda Burnley oo loo arko kooxda ugu adag ee Man City u hadhsan in kasta oo rekoodhka Leicester City laftiisu aanu dab yar shidayn.

Halkan ka akhriso sababta ay Burnley u tahay kooxda inta ugu badan walwalka ku haysa Man City ee Liverpool ay caawinta ka sugi karto.