DAAWO: Ka Hor Xaflada Ballon D’Or Ee Paris, Lionel Messi Oo Arintan Sameeyay.

Jamaahirta kubbada cagta aduunka ayaa si wayn ugu dheg taagaya xidiga caawa ku guulaysan doona abaal marinta xidiga sanadka aduunka ugu fiican ee Ballon d’Or waxaana haddaba muuqda tusaalayaal wax iftiiminaya.

Lionel Messi ayaa sameeyay hal arin oo lagu xaqiijisan karo in uu markii lixaad ku guulaystay abaal marinta Ballon d’Or isla markaana uu Virgil Van Dijk ku garaacay abaalmarintan.

Lionel Messi ayaa sameeyay hal arin oo cadayn buuxda looga dhigan karo in uu haddaba sii ogyahay in uu ku guulaystay abaal marinta Ballon D’Or waana arin aanu sanadkii hore samayn markii uu abaal marintan waayay.

Lionel Messi ayaa ka dhoofay magaalada Barcelona isaga oo u sii jeeda caasimada dalka France halkaas oo ka dhici doonto xaflada abaal marinta Ballon d’Or 2019.

Advertisements

Arinta uu Lionel Messi sameeyay ayaa ah in safarkiiisa ay helinayaan xaaskiisa Antonella iyo carruurtiisa taas oo ah arin aanu samayn marka uu ogyahay in aanu abaal marinta ku guulaysanayn, waxaana arintan cadayn buuxda looga sii dhigayaa in Messi uu markii lixaad caawa abaal marintan qaadayo.

Inkasta oo markii hore loo badinayay in Cristiano Ronaldo iyo Virgil Van Dijk ay Lionel Messi kula tartamayeen abaal marintan, hadda waxaa xaqiiq noqotay in Ronaldo uu gabi ahaanba meesha ka baxay sababtana waxaa cadayn u noqotay in aanu xaflada caawa ka soo qayb gali doonin.

Lionel Messi waxaa magaalada Barcelona kala soo safray xidigo ay isku kooxda Barcelona ka tirsan yihiin oo ay ku jiraan Ter Stegen iyo Griezmann waxaana safarkiisa qayb ka ah xaaskiisa Antonella iyo wiilashiisa kuwaas oo la filayo in ay la gudoomi doonaan abaal marinta Ballon d’Or.

Majalada bixisa abaal marinta Ballon D’or ee France Football ayaan wali si rasmi ah ugu dhawaaqin xidiga ku guulaystay abaal marinta Ballon d’Or balse tilmaamaha oo dhan ayaa muujinaya in uu Messi markii lixaad ku guulaysan doono.

Halkan ka daawo muuqaalka markii ay Messi iyo qoyskiisu u safrayeen Paris

Lionel Messi ayaa haddii sida la filayo uu ku guulaysato abaal marinta Ballon d’Or waxa uu noqon doonaa xidigii abid ugu horeeyay ee lix jeer ku guulaysata kubbada dahabka ah ee Ballon d’Or.

Advertisements