Ka Hor Kulanka Man United & Juventus, Pual Pogba Oo Sheegay In Cristiano Ronaldo Ay Gool Dhalintu U Tahay Sida Biyaha Uu Cabayo Oo Kale.

Xidiga xulka qaranka France iyo kooxda Manchester United ee Pual Pogba ayaa dib ugu soo laabanaya kooxdisii hore ee Juventus oo uu koobab badan kula soo guulaystay isla markaana uu waqti layaableh ku soo qaatay ka hor intii aanu dib ugu soo laaban Man United.

Paul Pogba ayaa ka soo muuqday shirkii jaraa’id ee Manchester United ee ka hor kulanka Juventus wuxuuna ka hadlay waxyaabo badan isaga oo xusay in aanu ka qoomamaynayn go’aankii uu Man United ugu soo laabtay wuxuuna cadeeyay in uu ku faraxsan yahay Old Trafford.

Dhinaca kale Pual Pogba ayaa sheegay in Cristiano Ronaldo ay gool dhalintu ugu sahlan tahay sida biyaha la cabo oo kale, wuxuuna Pogba sheegay in kooxdiisii hore ee Juve ay wax fiican u ahayd in ay Ronaldo la soo saxiixatay.

Pual Pogba oo ka hadlaya Ronaldo ayaa yidhi: “Waxaan filayaa in ay xaqiiqdii wax fiican u ahayd Juventus, xaqiiqdii markasta way fiican tahay in aad kooxdaada ku haysato ciyaartoy Cristiano oo kale ah”.

Pual Pogba oo ka hadlaya in ka garab ciyaarista ciyaartoyda waa wayn ee sida Ronaldo, Messi iyo Neymar ay markasta farxad tahay ayaa yidhi: “Ka garab ciyaarista ciyaartoyda sida Ronaldo, sida Messi, sida Neymar, markasta waa farxad, maanta waxa uu joogaa Juventus”.

Intaa kadb Pual Pogba ka hadlay sida uu Ronaldo muhiim ugu yahay Juventus iyo qaabka ay ugu sahlan yihiin inuu goolal dhaliyo wuxuuna yidhi: “Waxaan filaayaa in isagu uu aad ugu faraxsan yahay in uu halkan joogo, waxaan filayaa in ay wax fiican u tahay Juventus in ay hasyato ciyaartoy kaas oo goolasha u dhaliya si u sahlan sida uu biyaha u cabo”.

Dhinaca kale Maxi Allegri ayaa balan qaaday in Cristiano Ronaldo uu caawa gool ka dhalin doono kooxdiisii hore ee Manchester United inkasta oo xidiga reer Portugal uu hal gool oo kaliya ka soo dhaliyay 15 kulan oo uu ka hor yimid kooxaha uu Mourinho hogaaminayo.